Wasiirkii Hore Ee Ganacsiga Dr maxamed Cabdilahi Cumar oo sheegay in Xilkaqaadistiisu salka ku hayso khilaafka Kulmiye | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirkii Hore Ee Ganacsiga Dr maxamed Cabdilahi Cumar oo sheegay in Xilkaqaadistiisu salka ku hayso khilaafka Kulmiye
May 25, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(Wajaalenews);Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah ee Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo uu  xalay Saq-badhkii Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo xilka ka xayuubiyay ayaa sheegay in xil ka qaadistiisu ay la xidhiidho Khilaafka ka dhex taagan Qasriga Madaxtooyada iyo Hogaanka Xisbiga Kulmiye.

Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo u waramayay Laanta Afka Soomaaliga ee Bbc-da ayaa sheegay in ay Madaxweynaha Somaliland ku kala aragti duwaanaadeen habka xal loogu heli karo khilaafkaasi.

Sidoo kale waxa uu markii ugu horeysay shaaciyay In Madaxweynaha Somaliland ay talooyin siinayaan Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo masuuliyiin kale kuwaas oo dabka ku sii shidaya Khilaafka Kulmiye.

Waxaanu hadalkiisa ku bilaabay sidan “Marka hore waxa aan madaxweynaha Somaliland uga mahad celinayaa mudadii 4 sano ahayd ee aanu soo wada shaqaynay, aniga oo saddex sano oo hore aan ahaa Wasiirka arrimaha Dibada, sanadkii ugu dambeeyayna aan ahaa Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah oo runtii aanu si wanaagsan u soo wada shaqaynay.

Laakiin sida laga wada war qabo waxa baryahanba taagnaa khilaaf aad u weyn oo u dhaxeeyay xisbul xaakimka kulmiye iyo Xukuumada”

Wasiirkii xilka laga qaaday ee Ganacsiga iyo Maalgashiga Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa sheegay in isaga iyo Madaxweynaha Somaliland ay isku aragti ka noqon kari waayeen habka loo marayo Xalinta Khilaafkaasi, waxaanu yidhi  “Nasiib darro aniga iyo Madaxweynuhu waxa aanu markaa isku aragti ka noqon kari waynay, qaabka loo furdaamin karo ama loo marayo xal u helida khilaafkaasi loo soo yareeyo ama labada geesoodba la isugu soo dhaweeyo”

Waxa uu xusay in in madaxweynaha Somaliland uu la siinayay talooyin dibada kaga imanaya, waxaanu yidhi “Waxa ii muuqatay aniga in madaxweynaha talooyin sii adkayn kara khilaafka xisbiga Kulmiye, aniguna waxa aan go’aansaday in aanan talooyinkaasi ku hawl galin” ayuu yidhi.

Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo la waydiiyay bal in xil ka qaadistiisu ay ka dambaysay ka dib markii uu la saftay Hogaanka Kulmiye “Xil ka qaadistay runtii waxa aan filayaa in ay arrintaas la xidhiidho, waxaanan anigu aaminsanaa in khilaafka xisbiga Kulmiye lagu soo dhameeyo hab wada hadal iyo nabad galyo ah, hasayeeshee Tartamadii xisbiga Gudihiisa ka jiray, waxa aan anigu la socday Hogaanka  Xisbiga oo aan taageereyay, arrintaasina waxa ay ku soo dhamaatay si wanaag ah oo guul ah” ayuu yidhi.

Mar uu ka jawaabayay mar hadii shirweynihii xisbiga Kulmiye la qabtay, waxa wakhtigan dib u soo cusboonaysiiyay khilaafka Kulmiye, waxa uu yidhi “Shirweynihii si wanaagsan buu u dhacay, in kasta oo ay wada shaqayn la’aan xukuumada iyo Xisbiga Ahi ay mudoba jirtay, hasayeeshee may noqon mid wax yeeshay xidhiidhka labada dhinac markaa hore.

Wuu dhamaaday oo shirku si wanaagsan ayuu u soo dhamaaday, hasayeeshee khilaafkaasi marka hore jiray waxa dhacday markii uu shirku dhamaaday in uu dib u soo bilawday, mabaadii’dii iyo aragtiyihii aan anigu aaminsanaana runtii waxa ay ahaayeen xisbiga Kulmiye oo isagu xukuumadan dhalay  khilaafka ka jira la dhameeyo oo uu hore u sii socdo, waxaanan u danaynayay xisbiga” ayuu yidhi.

 

Mar uu ka jawaabayay bal cida la talinaysa Madaxweynuhu nooca ay yihiin ayaa waxa uu yidhi “Waa masuuliyiin Wasiiro ah iyo dad kaleba oo aan isleeyahay runtii taladaasi waxa ay ahayd in dhulka la dhigo oo aan xisbiga Loo arag cadaw xukuumada ka soo horjeeda laakiin la isku soo dhaweeyo” ayuu yidhi.

 

Maxamed Cabdilaahi Cumar oo ka jawaabaya bal hadii lagu eedeeyay in uu la saftay Muuse Biixi Cabdi Guddoomiyaha Kulmiye in uu khilaafku soo afjarmi karo, waxa uu yidhi “Waxa aan rajaynayaa oo ay talayadu ahayd markii aanu arrintan ka hadlay in aan loo maro xalinta Khilaafka ka dhaxeeya Hogaanka Xisbiga Kulmiye iyo madaxtooyada dhabbo nabad-galyo ah oo aan loo marin mid wax yeeli kara xisbiga iyo nabad-galyada” ayuu yidhi.

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS