Wasiirka Warfaafintu Muxuu Ku Haystaa Baashe iyo Wasiirka Macdanta Waakan Saaxiibkii Gaboobe Bisha Dhan Kusoo Dirayee | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Warfaafintu Muxuu Ku Haystaa Baashe iyo Wasiirka Macdanta Waakan Saaxiibkii Gaboobe Bisha Dhan Kusoo Dirayee
May 2, 2014 - Written by Editor:

Muran kama taagna in Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi
Maxamed Daahir(Cakuse), uu si adag u maagsan yahey Wasiirka Macdanta
Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale, iyo Wiilka Madexweynaha Somlailand uu
sodoga u yahey, Mujaahid Baashe Cawil, oo aan isagu Xil haynin
islamarkaana, dagaalkii qadhaadhaa ee Xisbiga Kulmiye door adag kasoo
qaatey, nin horaa wuxu yidhi Alow yaa ku dooxa oo hadana aan
kudilinoo, waxaad damacsan tahey Dibada ula soo baxa waxaan arkayay,
bari dhaweyd Cabilaahi Cakuse oo leh Yuusuf qalad ayuu ku haystaa
‘Baashe’ waxaan leeyahey Cabdilaahi ilmaha yar ee caruurta ah ayaa
garanaya, inaad adigu tahey ka ka dambeeya Yuusuf Gaboobe, caruurta
ayaa garaneysa, in lagarnayo waxaad ku haysato ‘Baashe’ , cidkastaa
garaneysa halka aad ka qaniinsan tahey, haseyeeshee, waxey ku qurux
badneyd inaanadan dhufeyskaa aad soo gashey marna ka bixin, ee aad
Saaxiibkaa Yuusuf oo aad adigu dabada kasoo riixeysey difaaciisana ugu
jirto, maanta Somaliland waala iswada ogyahey, waxaan odhan lahaa
Cabdilaahi Cakuse ma aha Tusaalihii u horeeyay oo qof aad adigu weerar
ku tahey oo aad madaxa ka qarsaneyso, uu weeraro Yuusuf Cabdi Gaboobe,
saacad kasta oo aad habeenkii u imaneysay ayaa, cadeynteedii la hayaa,
halkaad kula kulmeysay , ayaa cadeynteedii la hayaa,ma aheyn in aad
dagaal ka dhex bilowdo Xukuumad aad ka tirsan tahey, haba dhacdee
inkastoo aynaan dhaqan u lahaan jirin dagaalka noocaas ah haseyeeshee,
hadii aad wasiirka Weerartey, oo aad qisi guruub ku weerartey maxaa
kuu geeyay ‘Baashe’? waa su,aal fiican laakiin jawaabteedu waa mid ay
wadagaranayaan dad badani.

Waxa sideedaba Qurux badan in qofku ku ekaado xilka loo magacaabo
islamarkaana, uu ka koro nolosha sidii uu u yaqaaney awal hore oo mar
walba la jaanqaado halka ay maanta dunidu mareyso Cabdilaahi Cakuse
wuxu caan ku yahey maanta ilaa iyo maalintii uu kamid noqdey
Xukuumadii Madexweyne Cigaal, in uu dagaal ku bilaabo masuul ay
shaqada wada leeyhiin haduu Wasiir yahey, haduu Agaasime yahey, iyo
haduu Agaasime waaxeed yaheyba, waxaana caado u ahaan jirtey in uu
kala jabiyo shaqaalaha meelkasta oo loo magacaabo khusuusan shaqaalaha
Wasaarada Warfaafinta, oo uu xiligii Xukuumadii Marxuum Cigaal  ka
ahaa Wasiir kuxigeen, markaas oo uu kala qeybiyay sida ay imika ukala
qeybsan yihiin islamarkaana, uu uga lumey nidaamkii maamul iyo kala
dambeyntii, waxaan kusoo gunaanadayaa maqaalkan, waxey aheyd in
Cabdilaahi Cakuse(Wasiirka Warfaafintu), ka koro halkii uu taagnaa
tobaneeyo sano ka hor ee isqabqabsiga is jiidashada, dagaalka
Wasaaradaha dhexdooda, iyo Hay,adaha Dowlada, Waxaan leeyahey Wasiirka
Macdantu waa nin daacad ah oo Somaliland ka qeyb galiyay, Shirar
caalamiya, oo aanay abid tagin waa nin dedaalkiisu aad u badan yahey
waa Wasiirkii ugu horeeyay ee dalka keena Shirkadaha baadha Shidaalka,
Baashena, waa nin aan xil haynin, oo ay mudneyd maadaama aad adigu
kamid tahey, Golaha Xukuumada inaad ka xishooto, oo aad ku ixtiraanto
Madexweynaha ku magacaabay, ee afhayeen kaa dhigtey, ee hadana
Wasiirkii Warfaafinta kugu aaminay, maraa waaxid xuquuqdii ninkaasi
kugu lahaa maad siinin, ee Cakusow dib isugu noqo, arimo badan oo aan
cidi isweydiineyn ayaa hada jira kuwaas oo ay kamid yihiin, in uu
Dhuxul habeen iyo maalin wararka Madaxtooyada dhexdeeda ka jira u
geeyo Cakuse arintaas oo aad loola yaaban yahey maxaa yeelay, waxa la
isweydiinayaa waar miyaanu aheyn ‘Cakuse’ ninkii uga dhaartey
Dhuxul(Afhayeenka Madaxtooyada in uu fadhiisto Xarunta Wargeyska Dawan
waxaan leeyahey hadaad ka xishioon weydeen Madexweynaha idin
magacaabay iyo Marwadiisa waa ayo cida kale ee aad hadh ujiideysaan
murtideydana aan ku
khatimo Wasiirka Warfaafintow maxaad ku haysataa Wasiirka Macdanta iyo
‘Baashe’, oo aan xuil haynin.

Wabilaahi Towfiiq
Cali Mahdi Cabdiraxmaan Xassan
Hargeysa Somaliland
mahdo9@yahoo.com

COMMENTS
LINKS