Wasiirka-Warfaafinta-Somaliland-Oo-Maanta-Shaaca-Ka-Qaaday-In-Markale-Madaxweyne-Siilaanyo-U-Sharaxan-Yahay-Doorashooyinka-Madaxtiminimo-Ee-Dalka-Ka-Dhici-Doona-2015 | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka-Warfaafinta-Somaliland-Oo-Maanta-Shaaca-Ka-Qaaday-In-Markale-Madaxweyne-Siilaanyo-U-Sharaxan-Yahay-Doorashooyinka-Madaxtiminimo-Ee-Dalka-Ka-Dhici-Doona-2015
May 8, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(Wajaalenews);Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigalinta Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa shaaca ka qaaday in Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo mar kale u sharaxanyahay doorashada Madaxtinimo ee dalka ka qabsoomi doonta sannadka 2015.ka
Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo ka hadlaya Musharaxnimada Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo ayaa waxaa uu hadalkiisa ku Bilaabay sidan: “Waxaan idin sheegaya Madaxweynaha Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) oo wali haya muddu xileedkii loo doortay, sidoo kalena kalsooni ka haysta ummadda Somaliland, inuu u sharaxanyahay doorashada danbe ee dalka ka dhici doonta haddii alle idmo.”
Wasiir Cukuse oo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi. “Sidoo kale waxaad ogtihiin in Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE isna uu iclaamiyay musharaxnimadiisa, isaga iyo kuwa kale ee laga yaabo inay soo baxaan, xaqbay u leeyihiin sida uu qofkasta oo muwaadin ahi xaqa ugu leeyahay, marka taas waan idin xaqiijinayaa”.

WAJAALENEWS DESK
HARGEISA OFFICE
EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS