|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiirka Madaxtooyada Somaliland oo Safar qarsoodiya ku tegay Muqdisho iyo cidda uu kula kulmay
May 13, 2014 - Written by Editor:HARGEISA(Wajaalenews);Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somaliland Xirsi X. Cali Xasan, ayaa la sheegay inuu Socdaal qarsoodiya ku tagay Magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya, halkaasoo la sheegay inuu laba maalmood ku sugnaa, isla markaana uu kulamo kula qaaday Villa Soomaalia Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Saraakiil kale. Safarka uu Wasiir Madaxtooyadu ku tagay Magaalada Muqdisho oo ahaa mid qarsoodiya oo laga taxadaraaayey inay cidi ogaato, ayaa aanu ka helnay qaar ka mida Odayaasha beesha Hiraab ee socdaalka ku yimid Caasimadda Hargaysa ee Somaliland, kuwaasoo shaaciyey in booqashashadoodu ahayd mid ay Xukuumadda Somaliland ka war-qabtay oo xidhiidh hore lahaa, inkastoo ay markii hore si lama filaan ah iskaga soo dageen. Qaar ka mida Odayaal dhaqmeedkan safarka ku yimid Somaliland oo Magacyadooda ka gaabsaday ayaa waxa ay Hadhwanaagnews u xaqiijiyeen in Wasiirka Madaxtooyadu Xirsi X. Cali Xasan uu Muqdisho yimid anbabaxoodii Hargaysa ka hor, iyagoo sheegay in Safarka ay ku imanayeen Somaliland ay isla sii qaateen Wasiir Xirsi iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan ku qaatay xarunta Villa Soomaaliya, “Madaxweynuhu markii uu iskugu kaaya yeedhay waxa uu nagu yidhi waxaad tagaysaan Magaalada Hargaysa reer Waqooyigu berigii Calan ayey inoo keeneen Maantana waxa loo baahan yahay inaad Calankii qaadaan. Rag mihiim ah-na way idinka horeeyaan oo idinka hor iman doona. Annagoo diyaar-garowgii ku jirna ayaanu ogaanay in Wasiirka Madaxtooyadu uu Magaalada Muqdisho joogo, waana sababta aanu ugu dhiiranay inaanu Hargaysa tagno. Sida aanu wararka ku helnay waxa uu qaatay Mashruucii dawlada Turkigu waday ee is dhex-galka bulshada fayskii saddexaad ayuu Lacagtiisii soo qaatay, waana ka Socdaalkayagu ku qotomo ka dambaysay inaanu Hargaysa nimaadno.” Ayuu yidhi Odaygaas oo Magaciisa ka gaabsaday sababo la xidhiidha ammaanka safarkooda. Si kastaba ha ahaatee xogahan laga helayo Safarka Xirsi ku tegay Muqdisho, ayaa ku soo beegmay maalmo yar ka hor markii ay Odayaasha Dhaqanka Soomaaliya booqashadoodii ugu horreysay ku yimaaddeen 45 ka tirsani tan iyo markii gooni-isu-taagga Somaliland lagu dhawaaqay 1991-kii, kuwaasoo ujeeddada socdaalkooda ku sheegay is-dhex-galka bulshada iyo inay dhismaha nabadda ka bartaan Somaliland, balse ay Mucaaridku ku eedeeyeen inay u socdaan ajande Midnimo Soomaaliweyn oo la sheegay kharashka ku baxayana in Turkiga iyo Qaramada Midoobay bixinayaan oo lagu eedeeyey in Wasiir Xirsi Mashruucaas uu u qaabbilsan yahay Somaliland. Xigasho: Hadhwanaagnews Related posts:Hogaanka Xisbiga Waddani Oo Kormeer ku Maray Goobaha Diwaangalinta Ka Socoto Deegaanada Cadaadley Maxaa Ka Jira In Madaxwayne Kuxigeenka Jsl Aanu Ka Qaybgalaynin Shirka Golaha Dhexe Ee Xisbiga Kulmi... Guddoomiyahah Golaha Wakiilada Oo Ka Hadlay Guddi Loo Saaray Hir Gelinta Qorshe Hawleedkii Golaha, F... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|