Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Oo Difaacay Qaranimada Somaliland Fariin Adagna U Diray Beesha Caalamka Iyo Somaliya | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Oo Difaacay Qaranimada Somaliland Fariin Adagna U Diray Beesha Caalamka Iyo Somaliya
May 20, 2014 - Written by Editor:

Hargeisa(wajaalenews)Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland, Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, Oo Isaga Iyuo Weftigii La Socday Ay Ku Guda Jiraan Safarkii Shaqo Ee Dalka Maraykanka, Ayaa Difaacay Midnimada Iyo Jiritaanka Somaliland, Waxaanu Soomaaliya Ugu Baaqay Inay Xaqiiqsato Waaqaca Ka Jira Somaliland.

Wasiirka Madaxtooyada Oo Maanta U Waramayey Laanta Afka Soomaaliga Ee Idaacadda BBC-Da, Ayaa Sidoo Kale Ka Hadlay Dhaqdhaqaaqyada Siyaasiga Cali Khaliif Ka Wado Deegaanada Bariga Sool Ee Somaliland, Waxaanu Sheegay In Cali Khaliif Ka Mid Yahay Baarlamaanka Soomaaliya, Inkasta Oo Uu Somaliland U Dhashay.

Wasiirka Oo Ugu Horeyn Ka Hadlaya Su’aal Laga Waydiiyey Gobollada Sool Iyo Sanaag, Ayaa Ku Jawaabay “Gobollada Barigu Waa Gobolladayadii, Dalka Bari Iyo Galbeedba Waa Dalka Aanu Ka Talino, Hadday Tahay Dhismaha, Hadday Tahay Maamulka Iyo Isku Duubnida Intaba, Adiga (Wariyaha) Aragtidaada Ma Xaddidayo, Laakiin Gobolladayadu Waa Isku Mid, Sanaag Waanigan Waddadii U Dhisaya, Qorshaheedii Iyo Horumarkeedii Ayaan Wadaa, Mashaariicda Aanu Ka Hirgalinay Ee Ilaa Imikaba Ay Wasiirro Ugu Maqan Yihiin Way Badan Yihiin, Laakiin Waa Laga Yaabaa Dawladuhu Meelna Maamulku Uu Aad Ugu Xooggan Yahay, Meelna Aanu Boqolkiiba Boqol Ahayn (Sida Waqooyiga Ameerika Oo Kale)..”

Wasiirku Waxa Uu Sheegay Inaanu Somaliland Ka Jirin Maamul Kale “Somaliland, Maamul Kale Kama Jiro Oo Annaga Ayaa Ka Talina, Waana La Yaqanaa Xuduudda Somaliland, Qofku’se Wuxuu Doono Ayuu Sheegan Karaa, Haddii Aad Imika Adigu (Wariyaha) Aad Madaxwayne Sheegato Sida Koonfurta Ka Dhacda Ee Boqolka Madaxwayne, Nin Meel Ka Sheeganayo, Adiga Ayuunbaa Iska Sheegtaye Dadkuna Kuma Ictiraafin, Adiguna Waxba Dadka Umaad Qaban, Markaa Cali Khaliif Galaydh Waa Xildhibaan Ka Tirsan Soomaaliya, Reer Somaliland-Na Ma Dooran Oo Ma Geynin (Baarlamaanka), Somaliland-Na Waad Og-Tahay Xildhibaanada Waala Doortaa, Madaxweynaha Waala Doortay, Golayaasha Deegaanka Waala Doortay, Laascaanood Waa Laga Doortay (Golaha Deegaanka), Laakiin Isaga (Cali Khaliif) Lagama Dooran, Laakiin Hadduu Jeclaaday Inuu Soomaaliya Tago Isaga Ayay U Furan Tahay, Laakiin Somaliland Waa Dad Iyo Dal Suntan Oo Aan Madmadow Ku Jirin…” Ayuu Yidhi, Waxaanu Intaasi Ku Daray In Wadahadalladii Somaliland Iyo Soomaaliya Ay Dib U Bilaabmayaa Bisha Lixaad, Hasa-Yeeshee Soomaaliya Looga Baahan Yahay Inay Xaqiiqsadaan Waaqaca Ka Jira Somaliland “Waxaanu Rabnaa In Dadka Reer Somaliya Ay Xaqiiqsadaan Waaqaca Ka Jira Somaliland..”

Wasiirku Wuxuu Xusay Oo Kale “Waanu Madax-Banaan Nahay, Cid Na Haysata Iyo Cid Xoog Nagu Haysatana Ma Jirto, Cid Sharciyad Nagu Haysataana Ma Jirto Oo Dalkayaga Anagaa Haysana Oo Ka Talina…”Ayuu Yidhi.

Wajaalenews.Net

Hargeisa/Somaliland

C/Raxmaan Carab Daaud

COMMENTS
LINKS