|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiirka Deegaanka Oo Maanta Gaadhay Magaalada Laascaanood, Dhagax Dhigtayna Xarun Wasaarada Deegaanku Ku Yeelan Doonto Gobolka Sool.
May 22, 2014 - Written by Wariye:
U jeedada safarka wasiirka ayaa la xidhiiday sidii ay u dardar galin lahayd shaqada ay wasaarada deegaanka iyo horumarinta miyigu u hayso qaranka. Wasiirka deegaanka ayaa xafiiskiisa magaalada laascaanood kulan kula qaadatay guddoomiyaha gobolka sool Mudane Maxamed Faarax Aadan waxaana guddoomiyaha gobolka sool uu wasiirka deegaanka uga waramay xaalada gobolka sool . Kulankaasi markii uu dhamaaday wasiirka deegaanka iyo guddoomiyaha gobolka sool waxa ay dhagax dhigeen xarunta wasaarada deegaanka ay ku yeelan doonto magaalada laascaanood iyo beer loogu talo galay in lagu beero dhirta oo iyadana laga dhagax dhigay dhinaca galbeed ee magaalada laascaanood . Wasiirka deegaanka ayaa waxa kale oo ay kulan la qaadatay shaqaalaha wasaarada deegaanka ee gobolka sool gaar ahaana kuwa ku sugan magaalada laascaanood ee xarunta gobolkaasi. Wajaale News Related posts:DAAWO;-Maamulka Gobolka Gabiley Faah Faahin Ka Bixiyay Khasaaraha Dhimasho Iyo Dhaawac Ee Uu Sobobay... Dawlada Jabuuti Oo Faah Faahin Ka Bixiyay Masuuliyiin Xabsiga Loo Tabaaxay Iyo Eedaha Loo Haysto. Hooyo Somaliyeed Oo Dalka Sweden Hore Loogaga Qaatay 7Caruur Ah Oo Markale Laga Qaatay Cunigii Sidee... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|