|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiirka Arrimaha Dibada ee Somaliland Oo Ka Hadlay Kulan Uu La Yeeshay Madaxweynaha Suudaan
May 2, 2014 - Written by Editor:HARGEISA(Wajaalenews);Wasiirka arrimaha Dibedda Md. Maxamed Biixi Yoonis, ayaa sheegay inay madaxweynaha dalka Sudaan Mr. Cumar Xasan Al-bashiir ka codsadeen inuu noqdo ergay u dooda qaddiyadda madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, maadaama Koonfurta Sudan ka go’day waddankiisa. Wasiir Biixi oo u waramay qaar ka mid ah warbaahinta, waxa uu sheegay inay Madaxweynaha Sudaan kula kulmeen shir ay 26 ilaa 27 April kaga qaybgaleen dalka Itoobiya, isla markaana ka wadahadleen qoddobo ku saabsan xidhiidhka labada dal. Waxa kaloo uu sheegay inay Madaxweynaha Sudan uga xog-wrarameen taariikhda Somaliland, waxaannu yidhi; “Waxaannu Madaxweynaha dalka Suudan ka wada hadallay taariikhda guunka ah ee ka dhexaysa Somaliland iyo Sudan ee ka soo bilaabantay sannadkii 1900 iyo wixii ka horreeyay. Waxa jirtay in mutacallimiintii dalka Somaliland ka soo shaqeeyeen Suudan, sida Allaah ha u naxariistee Eng. Cali Jirde. Waxa kaloon u sheegnay in Madaxweynihii ugu horreeyay ee Somaliland marxuum Cabdiraxmaan Axmed Cali uu dalkiisa ka soo shaqeeyay oo u safiir ka soo noqday. Wax badan ayuu naga garawsaday markaan ku nidhi annagu ma doonayno dhiig daata iyo colaad aannu Soomaaliya ku kala go’no, laakiin waxaan diyaar u nahay in 23ka sanno ee aannu jirnay dalkayagana dhisannay, isla markaana aanay jirin wax dhibaato ah oo a dhexmaray annaga iyo Soomaaliya in nalagu qiimeeyo oo aad hormuud ka noqoto qaddiyaddayada aannu xaqa u leenahay. Intaa kadib, Madaxweynaha Suudaan waxa uu nagu martiqaaday dalkiisa si aannu arrintaas iyo xidhiidhkii Somaliland iyo Sudan ee qarniyada soo jiray u soo noolaynaba, dhawaanna waxaannu booqasho ku tagi doonnaa xarunta dalka Suudan ee Khartum.” Related posts:Madaxweyne-ku-xigeenka Jsl Iyo Wefti Uu Hoggaaminayo Oo Kormeer UKuurgalida Xaalada Abaaraha ku Tega... “Halkaas Aad Aragtaa Waa Dhaamkii Jig Jiga Yar, Haddii Aynu Weynay Dawlad Xil-Kas Ah, Miyeynu Noqon ... Maareeyaha Wakaaladda Biyaha oo Sheegay In La Dhameeyay Beebabkii Cusbaa Ee Biyaha Geed-deeble Soo G... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|