|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Oo Jawaab Kulul Ka Bixiyey Hadal Ka Soo Yeedhay Madaxweynaha Somalia
May 5, 2014 - Written by Editor:Hargeisa(Wajaalenews)Xukuumadda Somaliland Ayaa Markii Ugu Horreysay Jawaab Kulul Ka Bixisay Hadalkii Ka Soo Yeedhay Madaxweynaha Dalkaasi Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud Oo Sheegay In Xukuumaddiisu Door Ka Qaadatay Xal U Helida Xiisadii Degmada Taleex Ay Ku Tageen Ciidamada Qaranku. Wasiirka Arrimaha Debadda Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis Oo Saxaafadda Kula Hadlaayay Garoonka Diyaaradaha Hargaysa, Ayaa Isagoo Umurtaas Ka Hadlaaya Wuxuu Yidhi. “Sida Lawada Ogyahay Xuduudaha Somaliland Waa Qaar La Yaqaano, Somaliland May Samayn Iyadu Xuduudka, Dalka Soomaaliyana Xuduud Gaara Ayuu Leeyahay Oo Ah Kii Talyaaniga, Xuduudkii Faransiiska Isna Waa La Ogyahay Itoobiya Iyana Xuduud Gaara Ayay Leedahay, Difaaca Iyo Sugida Ammaanka Xuduudahaasi Waa Mid Saaran Ummada Rer Somaliland Iyo Dawladooda Taleexna Waa Somaliland, Sida Sheekh Iyo Burco U Tahay. Markaa Madaxweynaha Dalkaasi Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud Isagaa Iska Hadlay, Difaaca Iyo Xuduuda Somaliland Ee Mucayinka Ahi Rer Somaliland Ayay U Taala.” Jawaabta Xukuumadda Somaliland Ay Ka Bixisay Hadalkii Xasan Sheekh Maxamuud Ayaa Noqonaaya Kii Ugu Horeyay Ee Ay Ugu Jawaabeen.
Wajaalenews.Net Hargeoisa/Office COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|