WASIIRADII XUKUUMADU U DIRTAY DAMINTA SHAQAAQADII WAJAALE OO KU FASHILMAY IYO MAYDKII OO WALI AAN LA,AASIN; | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
WASIIRADII XUKUUMADU U DIRTAY DAMINTA SHAQAAQADII WAJAALE OO KU FASHILMAY IYO MAYDKII OO WALI AAN LA,AASIN;
May 1, 2014 - Written by Editor:

TOGWAJAALE(WAJAALENEWS);Magaalada togwajaale ayaa saaka  waxaa ka dhacay mudaharaado sobobay dhimasho iyo dhaawac khasaare dhaqaalena gastay iyadoo magaalada aan manta waxba lagu kala iibsan arintan ayaa kala xidhay isku socodka  labada dal

Mudaharaad balaadhan oo manta gilgilay guud ahaan magaalo xuduudeeda togwajaale ayaa wali xal laga gaadhi khasaarihii kayimid isku dhaca dadwayanaha iyo booliska kaasi oo ku geeriyooday marxuum cabdinaasir

Hadaba arinta ayaa xalinteeda waxaa magaalada wajaale u tagay xubno wasiiro ah oo uu hogaaminayo wasiirka arimaha gudaha cali warancade wasiirka warshadaha abiib diiriye nuur abiib timcade taliyaha ciidanka booliska sareeye guuto cabdilaahi fadal iiman iyo xubno kale oo weheliyo

Waftigan wasiirada iyo taliaha ah ayaan ilaahada xal dadkii uu ka dhintay marxuunku keenin kaliyaata waxay awood ku joojiyeen rabshadihii uun iyo goo damintooda u adeegsaday ciidamada RRU oo mudaharaadayaashii xoog ku kala ka xeeyay, moranka ayaa ka taagan sidii loo aasilahaa marxuumkii ay cidamadu ku toogteen rabshaduhu in tii ay socdeen xaalada magaalada wajaale ayaa manta ilaa caawa cakiran ,waxaana aad looga warwarsan yahay in xaaladuba faraha kabaxdo dadwayanaha oo aad u gadoodsan awgeed.

Mudaharaadka ayaa waxaa sobobay kadib markii maayirka degmada wajaale xabsiga u taxaabay gudoomiyihii hore ee wajaale xiligii dawaladii daahir riyaale muj Qawrax kaasi oo sifi sharxiga baalmarsan uu ku xidhay gudoomiyaha hada xukuma degmada wajaale mr xaashi

Shaqaaqooyinka degmada togwajaale ayaa soo noqnoqonaya mudooyinkan bilka hor ayay ahayd markii halqof ku dhintay magaalada rabshado hadheeyeen iyadoo markii danbe xal laga gaadhay

Xubnihii wasiirada  ayaa caawa gordhawayd usoo huleelay xaga magaalada gabiley kadib markii lagu war galiyay inay kabaxaan magaalada wajaale , faro badhana kala soo hoyday xal u helida shaqaaqadii wajaale maydkii marxuumka ayaa wali yaala saldhiga iyadoo eheladiisiina ay rabaan inay xoog ku qaataan, waxaa lasugaaba waa halka xalku kudanbeeyo

WAJALE 2

GUDOOMIYAHA WAJAALE AYAA DADWAYNUHU AAD UGA CABANAYEEN SIDA QALAFSAN EE UU LO DHAQMO BULSHADA ISAGOO TALIHII CIDANKA KA DHIGAY MID ISAGUUN AMARKIISA QAATA

AWOODAHA GUDOOMIYAHA WAJAALE AYAA WAXAY DABADA KU HAYAAN WASIIRKA MAALIYADA CABDICASIIS MUXUMED SAMAALE  OO MARKA HOREBA ISAGU MEESHA KEENAY DEGMADA WAJAALANA WAXLAGA WAYDIIYO ARINTAN AYAAN HADAAN DAWLADU XAL KA GAADHIN SOBOBI DOONTA DHIMAATO INTAN KAWAYN

wajaale 3wajaale 4

WAJAALENEWS DESK

WAJAALE OFFICE

WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS