|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiir ku Xigeenkii hore ee Amniga Somaliland oo xalay gurigiisa lagala baxay
May 30, 2014 - Written by Editor:HARGEISA(Wajaalenews);Ciidamadda Ammaanka Somaliland, ayaa xalay saqdii dhexe gurigiisa kala baxay wasiir ku xigeenkii hore ee Amniga Cabdilaahi Abokor. Goob-jooge ka ag dhowaa guriga wasiir ku xigeenkii hore Abokor ayaa sheegay in ciidan aad u faro badan la keenay guriga kuwaas oo rasaas ridayey, halka dad taageersan wasiir ku xigeenka difaac adag galay, waxaanu dagaalkaasi socday muddo saacad iyo badh ku siman, isagoo dagaalku bilaabmay labaddii habeenimo ilaa saddexdii habeenimo. Muddo ka dib waxa uu ciidanku ku guulaystay inay xoog ku galeen guriga, isla markaana kala soo baxeen Cabdilaahi Abokor iyo intii difaacaysay, haseyeshee waxa la sheegaya inuu guriga dhiig badani ku daatay, taas oo la sheegay inay dad badani ku dhaawacmeen rasaasta ay labadda dhinac is waydaarsanayaan, haseyeeshee ma kala cadda, ciidankuna markiiba wixii guriga ku jiray oo dhan way wada kaxaysteen. Dad la jaar ah guriga oo aanu wax ka waydiiyey ayaa noo sheegay in aanay sheegi Karin khasaaraha hawlgalkaasi sababay,maadaama oo ay xilli dambe ahayd, isla markaana ciidanku aanu cidna u ogolayn inay soo baxaan illaa inta ay kaxaysanayeen dadkii guriga ku sugnaa. Sidoo kale, C/llaahi Abokor ayaa la sheegay inuu isagu laftiisu ka war hayey inuu ciidanku soo weerarayo,taas oo uu u diyaar garoobay inuu is difaaco, isla markaana dad badan oo difaaciisa u yimid ay gurigiisa soo buux dhaafiyeen. Wararku waxay intaas ku darayaan in aanay ciidanku wadan wax waaran ah oo lagu soo xidho Cabdillaahi Abokor, hase yeeshee weerarkan ayaa u muuqda mid xukuumaddu kaga war celinayso warar ay ka damqatay oo Cabdillaahi Abokor Maalmihii u dembeeyey Warbaahinta siiyey kuwaas oo uu ku durayay Kooxo uu ku tilmaamay qaswadayaal wadaado ah oo xukuumadda ku dhex jira. Wasiir ku xigeenkii hore ee Amniga Cabdullaahi Abokor ayaa dhawr cisho ka hor xubno wasiirada ka tirsan ku eedeeyey ururo diimeedka dunida islaamka ka jiro, isagoo sheegay in xubnahaasi magacyo badan sheegtaan sida Ikhwaan, islaax, Ictisaam iyo Al shaab, waxaanu sheegay in khilaafka xisbiga kulmiye ka jira ay iyagu abuureen si wadanka fawdo u gallo, isla markaana ay xukunka ula wareegi lahaayeen. Cabdillaahi Abokor ayaa dhawaan Madaxweyne Siilaanyo xilka ka qaaday, waxaanu warbaahinta u sheegay inuu bil kasta soo bandhigi doono arimo uu xog ogaal uu u yahay oo ay ku dhaqmaan koox wasiiro ahi. Hadalkaasi waxa si weyn uga cadhooday xukuumadda, waxaana shalayba looga yeedhay xarunta Dambibaadhista magaaladda Hargeysa. Sidoo kale, wasiir ku xigeenkan hore wuxuu la safnaa garabka Gudoomiyaha Xisbiga Muuse Biixi Cabdi, waxaanu shalay si adag uga hadlay xadhigii loo geystay masuuliyiinta xisbiga kulmiye ee gobolka Saaxil. Dhinaca kale, waxa xalay agagaarka madaxtooyada ka dhacay qarax kooban oo aan wax khasaare ah gaysan, isla markaana qalab laga sameeyey Shaani ay ka qaraxday, taasina waxay keentay in xalay amniga aad loo adeeyo, isla markaana wixii ka dambeeyey laba iyo tobankii habeenimo dadka baabuurta laga dhigayey. Sidoo kale, dhallinyaro lagu qiyasay laba kun oo qof ayaa xalay shir ay ku taageerayaan musharaxnimada Muuse Biixi ku qabtay hoteel Crown, kuwaas oo madaxweynaha ka codsaday inuu u tanaasulo, isla markaana aan xoog la isku muquunin, waxaanay dhalinyarataasi sheegeen in dhamaan amar la siiyey hoteeladda in aanay xaflad ay ku taageerayaan Muuse Biixi ku qabsan Karin, haseyeeshee hoteelka Crown oo kaliya uu ogolaaday. WAJAALENEWS DESK HARGEISA OFFICE wajalenews@gmail.com
Related posts:Xisbiga Kulmiye oo Sheegay in Golaha Xukuumada Kula Xisaabtami Doonaan Fulinta Barnaamijkii ay Olola... Daawo:Madaxweyne Siilaanyo Oo Maanta Qasriga Madaxtooyadda Ku Qaabilay Wakiil Ku-Xigeenka Qaramadda ... Daawo:Wiish Casri ah Oo Ka Qaadaya Gawaadhida Sida Qaldan Loo Dhigo Wadada Oo Loo Keenay Ciidanka Ta... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|