Wasiir Ku Xigeenka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Oo Lagu Soo Dhaweeyay Dalka Finland | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiir Ku Xigeenka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Oo Lagu Soo Dhaweeyay Dalka Finland
May 12, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(Wajaalenews);Wasiir ku xigeenada Wasaarada shaqada somaliland Marwo Shukri Xariir Ismaaciil , ayaa maanta soo gaadhey caasimada Finland Helsinki , Wasiirada ayaa socodaalkeedu daarnaa casuumad ay dawlada Finland u fidisey  sagaalka wadan ee urur goboleedka IGAD,  oo  Somaliland tobon ku ahayd,

Markii wasiiradu soo degtey waxaa halkaa ku soo dhaweeyey jaalida somaliland ee finland halkaas oo ay ku sugayeen qaar kamid ah jaaliyada reer somaliland oo soo dhaweynayey  wasiirada , hadaba waxaa  salaan ka dib hadalkii la wareegey  Gudoomiye ku xigeenka jaaliyada Finland Mr Cabdilaahi oo wasiirada u sheegey iney ku soo dhaweynyaan gacmo furan ka jaaliyad ahaana ay markasta sidan oo kale u soo dhaweeyaan madaxda

wadanka, Waxaa halkaa hadalkii ka sii wadey Xildhibaan faysal Caynaan oo ah xildhibaan reer Somaliland se ka tirsan golaha deegaanka ee magaalada Vaanta ee Finland waxaa uu halkaa ka soo jeediyey hadalado soo dhaweyn ah waxaanu wasiirada u sheegey iney gacmo furanku soo dhaweynayaan , sidoo kale wada shaqeyn u dhaxeysa  iyo madaxda Somaliland.

Waxaa halkaa isna hadal nuxurkiisu ahaa  iney aad u soo dhaweynayaan isla markaana heegan u ahaayeen soo dhaweynta wasiirada  ka sheegey  Mustafe Ciise oo mid ahaa dadkii wasiirada soo dhaweeyey una sheegey iney ku faraxsanyihiin imaatinkeeda , Markii intaasi dhacdey  waxaa  hadalkii la wareegtey Marwo Shukri Xariir Ismaaciil oo halkii uga mahad celisey dadkii soo dhaweeyey ee iskugu jirey rag iyo dumarba  ee wakhtigoodu u soo hurey iney soo dhaweeyaan ,Wasiirada ,

Mahadnaq ka dib waxaa wasiiradu ka war bixisey  socdaalkeeda wuxuu daaranyahay , waxaaney sheegtey  iney  u socdaan casuumad dawlada Finland siisey wadamada ka socda wada urur goboleedka IGAD oo iyaguna xubin laga soo siiyey   , waxay intaa ku dartey in barnaamijku u khaasyahay dumarka  ka tirsan dawladaha IGAD iney wax ka bartaaan casharo iyo khibradu ku saabsan horumarinta dumarka ee amuuraha siyaasada.

Finland ayaa ah wadan dumarku ay siyaasada ku leeyihiin kaalin aad u sareysa , Wasiirada ayaa waxay hadalkii ku soo gaba gabeysay iney mudo gaaban joogi doonto se dadka la hadli doonto una warami doonto isla markaana ay ka qeyb gali doonto maalinta xuska 18may , hadaba wasiirada waxa ay isku safar ahaayeen  laba xildhibaan oo iyaguna ka socdey dowlada Uganda islma markaana loo wada qaadey huteelka ay magaalada ka degayeen

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

COMMENTS
LINKS