Wasiir CADDAMI Oo Shaaca Ka Qaaday In Xukuumada Iyo Xisbiga KULMIYE Isku Khilaafsan Yihiin Liiska Ay Soo Saareen Ee Golaha Dhexe. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiir CADDAMI Oo Shaaca Ka Qaaday In Xukuumada Iyo Xisbiga KULMIYE Isku Khilaafsan Yihiin Liiska Ay Soo Saareen Ee Golaha Dhexe.
May 23, 2014 - Written by Wariye:

wasiir cadamiHargeysa(Wajaale News):-Guddoomiyaha shirguddoonka shirweynihii xisbiga KULMIYE ee qabsoomay 28 – 29-kii bishii April ee sannadkan, ahna Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Md. Axmed Xaaji Cali Cadami, ayaa iftiimiyey khilaaf qarsoon oo la xidhiidha sida madaxtooyada iyo hoggaanka xisbigu ugu kala qaybsan yihiin liiska Golaha Dhexe ee ay soo saareen.

Md. Axmed Xaaji Cali Cadami oo hadal ka jeediyey hudheelka Ambassador ee magaalada Hargeysa gelinkii dambe ee shalay, waxa uu sheegay inuu dhicisoobay kulan xarunta madaxtooyada ka dhici lahaa xalay oo la doonayey in lagaga dhawaaqo liisaska ay soo saareen, kadib markii ay soo baxday inuu jiro khilaaf u dhexeeya madaxtooyada iyo madaxda KULMIYE, isla markaana ka shakiyeen in labada dhinac mid lagu tiriyo.

“Waxa shirweynihii xisbiga KULMIYE noo igmaday in waraaqaha iyo liisaska beeluhu keenayeen aannu ururinno, kadibna sidii nidaamku ahaa madaxda sare ee xisbiga aannu ku wareejinno liisaska oo soo dhammaaday oo wixii cabatin ahi dhammaatay, markaa wixii sulux iyo isku celcelin aannu karaynay waanu samaynay, xilligu wuu nala dheeraaday.

Markaa waqti baanu cayinay oo ahayd caawa (xalay) in la isugu yimaado oo la wada martiqaado dhammaan masuuliyiinta xisbiga ilaa Guddoomiyaha xisbiga iyo Madaxweynaha, laakiin shirkii si kastaba ha ahaatee wuu dhicisoobay oo ma suurtogelin, markaa waxaannu go’aan ku gaadhnay, maadaama daraf walba annaga…xisbigu waa mid keliya ee laba iyo saddex maaha, kadibna waxaannu is nidhi intii goordhaw dhinac la idinku sheegi lahaa ama dhinac bay u janjeedhaan la odhan lahaa waxaannu door-bidnay in aannu dhexdhexaadnimadayadii ku faro-adaygno, in aannu iska reebno cid walba qoladii xagga xukuumadda ka socotay iyo qoladii xagga xisbiga u badnaydba aannu halkooda ugu ducayno, annaguna aannu ku dhawaaqno wixii aannu u xilsaarnayn oo wixii xisbigu leeyahayna waanu u gaynaynaa, wixii madaxda qaranku leedahay waanu u gaynaynaa, wixii qolada caddaaladda iyo Xeer-ilaaliyaha iyo weliba Guddiga Diiwaangelintaba  kala leeyihiin dhukumentigooda waanu siinaynaa,” ayuu yidhi wasiir Caddami.

Waxa uu tilmaamay in aanay guddi ahaan dhex u yihiin madaxtooyada iyo hoggaanka KULMIYE,  kana shaqaynayaan  sidii loo ilaalin  lahaa midnimada xisbiga tallada haya,  waxaannu yidhi; “Wax badan baanu ka soo shaqaynay xisbiga midnimadiisa iyo in aan la kala tegin, welina sidii baanu ugu shaqaynaynaa oo way noo siman yihiin, waxaannu badbaadinayna guddigaa dhexdhexaadnimada loo doortay ayaa dhinac raacday, dhinacna diiday ayaanu ka cararaynay, laakiin wax kale iyo hadaf kale oo aannu u jeedno qolo nalagu dirayo iyo qolo aannu si gaar ah hoos ula faqayno midna ma jiro.”

Wajaale News
Hargaysa Office
Email:habane00@gmail.com
Wariye:Abdiqadir Abdirahman Habane

COMMENTS
LINKS