Wasaaradda Beeraha Oo Faahfaahin Dheeraad Ah Ka Bixisay Dedaal Ay Ugu Jiraan Ayax Ku Baahay Deegaanada Somaliland Iyo Mandaqada | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasaaradda Beeraha Oo Faahfaahin Dheeraad Ah Ka Bixisay Dedaal Ay Ugu Jiraan Ayax Ku Baahay Deegaanada Somaliland Iyo Mandaqada
May 25, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(Wajaalenews)Wasaaradda Beeraha Somaliland ayaa faahfaahin ka bixisay Ayax si weyn ugu baahay deegaanada kala duwan ee Somaliland.

Hargeysa(Wajaalenews) Shir jaraa’id oo uu Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeruhu Cabdilaahi Ismaaciil Faarax ku qabtay Xarunta Wasaaradda Beeraha ayaa waxa uu kaga warbixiyey Ayax si weyn ugu faafay deegaanada kala duwan ee Somaliland min bari ilaa Galbeed.

Agaasimaha Wasaaradda Beeraha Cabdilaahi Ismaaciil Faarax ayaa waxa uu sidoo kale faahfaahin dheer ka bixiyey dedaal ay dawladdu ka gashay sidii wax looga qaban lahaa arinta Ayaxa iyo xidhiidho kala duwan oo ay la sameeyeen qaybaha hay’ddo ay arintani khusayso.Agaasimaha guud ee Wasaaradda Beeraha C/laahi Faarax Ismaaciil oo ugu horeyn ka hadlaya dedaalo soo taxnaa oo ay wasaaradda Beeruhu ka gashay wax qabashada Ayaxa ayaa waxa uu yidhi “Dhawrkii Bilood ee u dambeeyey ee uu Ayaxu ku habsaday deegaanada Somaliland maanu nasan oo waxa aanu geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay sidii aanu wax uga qaban lahayn, iyada oo mar aanu war-saxaafadeed ka soo saarno, mar aanu bulshada uga digno, mar aanu shirar isdaba joog ah ka galo iyo mar aanu Hay’addaha ay arintani khusayso la xidhiidhnaba aanu isku daynay sidii aanu wax uga qaban lahayn, iyada oo uu marba marka ka dambaysa ku sii fidiyo Ayaxu deegaanada Geeska Afrika oo dhan”.

Agaasimaha oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “Xidhiidho kala duwan ayaanu la samaynay Hay’addaha FAO, VLCO oo iyadu si gaar ah uga shaqaysa la dagaalanka Ayaxa iyo Hay’addo kale, waxaanay hay’adda FAO diyaarisay kharashkii iyo hawlihii ku baxayey la dagaalanka Ayaxa, iyada oo naga codsatay inaanu Itoobiya ka codsano Suntii lagula dagaalamayey, hay’adduna naga caawin doonto hawl galka iyo tababarada lagula dagaalamayo, intaasi ka dib waxaanu ka wasaarad ahaan shir la galay guddida qaabilsan ka hortaga Aafooyinka ee uu guddoomiyaha ka yahay Madaxweyne ku xigeenka Somalialnd C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), Hay’adda NERAD oo iyaduna guddidan ka mid ah, iyada oo aanu shirkaasi iskula soo qaadnay hadba xaalada uu ku sugan yahay Ayaxu iyo meelaha uu marayo, waxaananu si is daba joog ah ugu gudbinaynay hay’addahan warbixinaha aanu ka helo kolba halka uu marayo Ayaxu, iyada oo deegaanada Somaliland inta uu ku fiday u dhaafay wadamada kale ee Jaarka, waxaana meelaha uu aadka ugu fiday ka mid ah deegaanada Gobolka Togdheer oo uu ku dhawaad deegaano masaafadoodu gaadhayso 20 KM fadhiyo iyo deegaanada gobolka Awdal”.

Agaasimaha oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi “Shimbirta Fiinta la yidhaahdo ayaa bari la weydiiyey Fiineed maxaad ka ooyaysaa ma roobka, markaasay tidhi Roobkan kama ooyayee ka soo socda ayaan ka ooyayaa, imika ka dawlad ahaan waxaanu dedaal ugu jirnaa oo aanu walaac ka qabnaa kani Koron korada ah ee deegaanada Somaliland ku degay wuxuu waxyeelayn karayey ee uu cunayey wuu cunay, laakiin waxa nagaga daran aan wali duulin ee ugxanta ah ee Deegaanada Xeebaha ku dhashay inaanu wax ka qabano”.

Agaasimaha ayaa waxa uu sidoo kale faahfaahin ka bixiyey xeeladu ay bulshada kula taliyaan inay kula dagaalamaan Ayaxa inta ay ku jiraan dedaalka wax ka qabashadiisa, waxaanu yidhi isaga oo arintaasi ka hadlaya “Beeralayda waxaanu sidoo kale kula talinaa inta aanu wax ka qabasho u helayno inay isticmaalaan xeeladihii la isticmaali jiray wakhtigii aan la buufin jirin oo ahayd inay Foostooyin tumaan iyo inay Taayiro ku shidaan”.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS