Wasaarada Waxbarashada Somaliland Oo Golaha Wakiilada U Gudbisay Xeerka Ku Saabsan Wasaarada Waxbarashada. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasaarada Waxbarashada Somaliland Oo Golaha Wakiilada U Gudbisay Xeerka Ku Saabsan Wasaarada Waxbarashada.
May 11, 2014 - Written by Wariye:

Hargaysa(Wajaale News):-Fadhigii maanta ee golaha wakiilada somaliland oo uu shirguddoominayey guddoomiye ku xigeenka koobaad ee golaha wakiilada somaliland Baashe Maxamed Faarax ayaa golaha la horkeenay xeerka wasaarada waxbarashada somaliland.

Xeerka ayaa golaha waxa horkeenay wasiiru dawlaha wasaarada waxbarashada somaliland Axmed Nuur Faahiye oo ay wehelinayeen agaasimaha guud ee wasaarada waxbarashada iyo garyaqaanka guud ee wasaarada.

Wasiiru dawlada wasaarada waxbarashada somaliland ayaa golaha uga warbixiyey ujeeda ay xeerkan u sameyeen,waxaana uu sheegay in wasaarada u baahatay xeer ay ku dhaqanto kuna hagto masuulyiinta wasaarada iyo haaya’dda xidhiidhka la leh wasaarada.

“Mudanayaal halkan maanta hortiina waxa yaala xeerkii waxbarashada oo ka kooban 137 Qodob,kaas oo in mudo ahba ay ku hawlanayd wasaarada waxbarashadu Ilaahay

amarkiisa waxa uu noosuuro galiyey inuu kasoo gudbo golaha wasiirada maantana usoo gudbo golaha wakiilada,xeerkani mudo dheer ayaa uu dhexe yaala wasaarada waxbarashada gudaheeda waana la iskugu tagay dad aqoon yahan ah iyo dad kaleba sidii ay xeer ay ku dhaqanto wasaarada waxbarashadu u yeelan lahayd.

wasiiru dawlaha wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare Axmed Nuur Faahiye ayaa ka warbixiyey sababaha ku kalifay in ay wasaaradu xeer ay ku dhaqanto yeelato”

“Kadib markii ay wasaarada waxbarashadu ogaatay in ay u baahantahay in loo sameeyo xeer, sababa badan oo kaliftay awgeed madaama oo ay wasaarada balaadhatay oo gees ilaa gees dalka oo dhan ay ka hano qaaday waxbarashadi,laga maarmaan ayey noqotay in ay yeelato xeer  waxbarasho,takale ee kaliftayna waxa weeyan sidaad la socotaan haaya’ddaha UNta ee ay naga dhaxayso wada shaqayntu nooma aqoonsana in aynu nahay dal gooni utaagan,somaliya Iyana waxa ay soo waday xeer waxaan dhici karta in ay hadhaw muran ina galiyaan oo haaya’addaha isku qabsano markaas ayaanu waxaanu go’aansanay hadaanu nahay wadanka somaliland inaanu samaysano xeer noogaar ah.

Dhinac Kale isna waxa faah-faahin ka bixiyey xeerka garyaqaanka wasaarada waxbarashada somaliland Mubaarig ibraahin Aar waxaana uu yidhi”

“Xeerkani waxa uu soo socday mudo badan waxaana ay wasaaradu ku guulaystay in soo dhamayso inu gudbiso golaha wasiirada somaliland,waana Iyana kasoo gudbay waxaanan maanta usoo  gudbinay golaha wakiilada somaliland,mudanayaal xeerkani waxa uu ka kooban yahay 11 qaybood,kalimaadka kusoo noqnoqaya xeerkani waxa ay sheegayaan macnihiisa guud iyo ujeeda laga leeyahay xeerkan,ahdaafta guud ee waxbarashada somaliland leedahay waana meesha ay u dhimatay maanta somaliland xeer la’aantaasi,waxbarashada qofka lagu tabcayaa qof noocee ah ayaa ladoonayaa in lasoo saaro,mushtamac noocee ah ayaa la rabaa in la dhiso.

Sidoo kale garyaqaan mubaariga ayaa waxa kale oo ka waramayaa nidaamka ay maanta ku dhisan tahay waxbarashada jamuuriyada somaliland waxaana uu yidhi”

“Nidaamka waxbarashada jamuuriyada somaliland xeerkani waxa uu u qaybinayaa nidaamka tooska ah iyo nidaamka dad-ban,waxa kale oo ku jirta nidaamka waxbarashada dadka dadban ee qaba baahiyaha asaasiga ah waxaana kale oo ka madhnayeyn waxbarashada heerarkeeda kala duwan laga soo bilaabo malcaamada loosoo gudbo dugsi dhexe looga gudbo dugsi sare ilaa jaamacadda oo ah halka ugu danbaysa,sidoo kale xeerkani waxa uu u toos u taabanayaa man-hajka qaranka somaliland,man-hajkuna sidiisuba waa laf-dhabarta waxbarashada somaliland,waxbarashadan laguu sheegaana waxa ay ku dhisantaa saddex qaybood oo ugu muhiimsan waana man-haj,macalin iyo arday saddexdaas ayaa waxbarashada laf-dhabar u ah.

waxa uu garyaqaanka wasaarada waxbarashada somaliland mubaarig ibraahin aar mudanayaasha golaha wakiilada si faah-faahsan usiiyey xeerka waxa uu taabanayo baahida keenta waxaana uu ka dhawaajiyey in ay wasaarada waxbarashada somaliland uu hagi doona madaama oo ay wasaarada gaadhay goobo bari ilaa galbeeda ah oo aanay hore uga shaqayn jirin.

Wajaale News
Hargaysa Office
Email:habane00@gmail.com
Wariye:Abdiqadir Abdirahaman Habane

COMMENTS
LINKS