Wasaarada Beeraha Oo Markii Ugu Horeysay Ayax Waxyeelo Ku Haya Deegaanada Somaliland Ku Saaraysa Koox La Dagaalanta iyo Wasiirka Oo Faahfaahin Ka Bixiyay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasaarada Beeraha Oo Markii Ugu Horeysay Ayax Waxyeelo Ku Haya Deegaanada Somaliland Ku Saaraysa Koox La Dagaalanta iyo Wasiirka Oo Faahfaahin Ka Bixiyay.
May 10, 2014 - Written by Wariye:

Sunta AyaxaHargeysa (Wajaale News):- Ayax Guraya ayaa labadii Bilood ee ugu dambeeyay deganaa meelo badan oo dhulka somaliland ka tirsan.

Wasiirka Wasaarada Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland Prof. Faarax Cilmi Geedoole ayaa sheegay in ay xakamayn doonaan dhibaatada uu ayaxaasi ku keenay dalagyadii ka bixi jiray dhulka Somaliland.

Shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Magaaladda Hargeysa ayaa waxa uu ku yidhi

“Waxa aan halkan uga sheegayaa umadda in Ayaxa oo runtii dhibaato weyn dalka ku haya oo saakaddan laga soo sheegay ilaa Deegaanka Ceeldaraad ilaa Lughaya ay Kooxdii ugu horeysay maanta u baxayso si looga hortago khatarta Ayaxa uu beeralayda u keenayo,isaga oo Team-kaasi ka kooban

Hay’addaha CLS iyo DRC labadaasi Hay’addood oo ah kuwa ku shaqada leh arimaha Ayax la dagaalanka oo midna Xarunteedu tahay magaalada  Rome ee dalka Talyaaniga, midna xarunteedu Adisababa tahay”

Wasiir Geedoole oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaadi raaciyey “Hawshani waxa iska kaashaday Wasaaradda Beeraha ee Somaliland, labadaasi Hay’addood iyo Hay’adda FAO a y wada wadaan, runtiina maanta ayaa loo baxayaa meelahii uu Ayaxaasi ka jiray oo maynaan gaadhin marxalad Diyaarad la isticimaalo oo waxa weeyaan Wakhtigan Xoolaheenii oo dhan ayaa Xeebta jooga waxana aanu ka baqanay in waxyeelo iyo dhibaato ay Kiimikaashaasi u keento Xoolaha, marka imika waxa aanu isticimaalayna daawadda la yidhaahdo (Best Sides) oon khatar ku ahayn Deegaanka oo hada Kooxaha ayaa baxaya oo Ishaalaahu xaga Deegaanka Lughaya ayey ka soo bilaabayaan oo Ayaxu aad iyo aad ugu badan yahay marka danbena xaga Bariga ayey u kici doonaan taas ayayaan ogaysiinayaa umadda”

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Beeraha Cabdilaahi Ismaaciil Faarax oo isna ka hadlay arintan Ayaxa ayaa sheegay inay kooxahan ay u dirayaan la dagaalankiisa ay rajaynayaan inuu wax badan ka qabto sidii loo xakamayn lahaa.

Wajaale News
Hargaysa Office
Email:habane00@gmail.com
Wariye:Abdiqadir Abdirahman Habane

COMMENTS
LINKS