Warka Faasiqa Iyo Dhibaatadiisa!!!! W/Q:Qoraalkii: M J Farah. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Warka Faasiqa Iyo Dhibaatadiisa!!!! W/Q:Qoraalkii: M J Farah.
May 10, 2014 - Written by Wariye:

Qofka muslimka ah ee Ilahay rumeeyey waa inuu ogaadaa jidka uu hayaa ma kii Alleh(SWT) fareybaa mise wuu ka leeday jidkii toosnaa.

Ereyo ka miisaan culisi ma jiro Hadalka ALLEH (SWT) kana xaq iyo runimo badan, taasi waa xaqiiq dhab ah oo cad mugdina ku  jirin. Wuxuu ALLEH(SWT) Isaga oo la hadlaya kuwa xaqa rumeeyey “KUWA XAQA RUMEEYOW HADUU IDIINLA YIMAADO FAASIQ WAR, HUBSADA, SI AYDAAN DAD U DHIBIN OGAANSHO LA’AAN MARKAASNA AAD KA QOOMAMEYSAAN (SHALEYSAAN) WAXAAD FASHEEN”.akhri  alhujuraat ayada 6aad. Maanta  xaalkeenu siduu yahay imisa qof baa maalin walba dhibaato u soo gaadhaa war aan la hubin, imisa ayaa laga yaabaa in ay u dhintaan war faasuq sameyey, Alleh(SWT) ayuun baa og, ayadan fadliga iyo qiimaha badan Alleh(SWT) wuxuu la hadlay oo keliya kuwo Alleh (SWT) rumeysan oo keliya, waayo kuwa aan Alleh(SWT) rumeyn waa kuwo halaagmey oo aan digniintani

waxba u tareyn oo meel xun ku socda.

Qofka muslimka ah ee Ilahay rumeeyey waa inuu ogaadaa jidka uu hayaa ma kii Alleh(SWT) fareybaa mise wuu ka leeday jidkii toosnaa. Ogsoonow adoonka Allow in rumeynta ALLEH(SWT) ay ku lamaan tahay Camal falida camalka Saalaxa ah, iyo raacida jidkii Rasuulka (SCW) ee fariintii rajada, digniinta, iyo toosnaanta ee xaga Alleh(SWT) inooga timi.

Waa iney aad ka fiirsataa ficilada aad sameyneysid halka ay ku geenayaan(jidka Janada ama naarta).Waxaa badan kuwo badan oo nicmada ilahay siiyey aan Alleh ugu mahadniqin taas badelkeeda ku dhibaateeyo dadka kale Tusaale :Rasuulkeenii subanaa (NABAD IYO NAXARIISTA ALLEH KORKIISA HA AHAATEE) Wuxuu inoo sheegay in qof wal oo inaga mid uu yahay masuul lana waydiinayo wixii uu masuulka ka ahaa:.

Masuuliyadu qofkasta way badan tahay waxay noqon kartaa:

a)    Masuuliyada qoyskaga,mida umada, mida diinta,

b)    Mida hadalka , mida qoraalka, mida shaqadaada,

Hadaad u mada Alleh Afkaaga iyo qoraalada ku fasahadineysid waxaad masuulka tahay,fasahaadkaas wax kasta oo dhibaato ka dhalata,Waxaad arkeysaa dad aqoon aduun iyo mid dhaqanba lagu ogaa oo warkoodu yahay warfaasuq, been abuur,shaqsi cay,oo aan xaga wanaagaba ula kicin arinkoda.Qofka Alleh(SWT) rumeysan waxaa  uu ilaaliya oo uu ka baqdaa Sharciga Alleh ,iyo La kulanka ALLEH(SWT) maalinta Kala saarka adoomaha ee qof walba camalkiisa uun uu ku badbaadayo ama ku halaagsamay.Waxaad arkeysaa qoraal aflagaadooyin ah ama shirar jaraa’iid oo qaarkood dad sharaftooda lagu dhaawayo , Xoriyada saxaafadu kaa badbaadin mayso ciqaabta ALLEH(SWT), eek a fikir warka ama maqaalka aad qorayso.

Allah(SWT) wuu inoo nicmeyey oo waxaaynu ku dhalanay Islaamnimo hadii aynu nahay umada somaliyeed, Waxaa maalin iyo habeenba ALLeh(SWT) Inagu galadey culumo soomaaliyeed oo heegan inoo ah hadh iyo habeenba oo fidinaya diinteena suuban, oo aan wax hantiya ina waydiisaneynin balse ALLEH (SWT) dartii wax inoo baraya, oo wakhtigoodii qaaliga ahaa inoo huray,

ALLEH (SWT) Ha ka abaalmariyo Culimada somaaliyeed . Digniintaa ay inoo digayaan waa in aanu wax ku qaadanaa,Imisa ayey Jamicadaha khayrka ee masaajidada ilaahay ka soo aflaxay oo diinta ilahay soo bareen, imisa culima ah bay soo saareen.Hadana waxaa arkeysaa Qaar waxka sheegaya  culumadaasi sharafta mudan.ALLEH (SWT) ha laga baqo oo inta wakhtigu kaa tagine e aaney geeridu kuu iman Camal wanaagsan oo akhiro iyo Aduunba ku anfaca ku daadaal. Oo Dadka ALLEH (SWT) ha ku mashquulina ee noloshaada hagaaji. Ogow ALLEH (SWT) waa  ogyahay waxkastaba, waana uu ka abaalmariyaa qofwaliba wuxuu shaqeysto. Intaasi waa iga nasteexo ALLEH(SWT) Jidka xaqa ha ina waafajiyo AAAMIIN YAA ALLAH.

 

 WAAD MAHADSANTIIN

 

W/Q:Qoraalkii: M J Farah

COMMENTS
LINKS