|
|||||
WAJAALE NEWS
wararkii ugu danbeeyey ee weerarkii lagu qaaday xarunta barlamaanka somaliya ee magaalada muqdisho;; sawiro
May 24, 2014 - Written by Editor:muqdisho(wajaalenews)Wararka aan ka heleyno xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in tiro badan oo xildhibaano ah laga saaray xarunta Golaha Shacabka oo lasoo sheegayo in ay gudaha u galeen xubno katirsan Al-Shabaab. Xildhibaanada waxaa u gurmaday oo xarunta kasoo saaray Ciidamo katirsan Dowlada Soomaaliya , waxaana wali lasoo sheegayaa in xarunta golaha Shacabka ay ku jiraan xildhibaano aan tiradooda laheyn. Qaar kamid ah Dagaalyahanada Al-Shabaab ee gudaha u galay xarunta golaha Shacabka ayaa la toogtay , waxaana wali lasoo tabinayaa in xubno kale oo katirsan ragii Shabaab katirsanaa ee weeraray Baarlamaanka ay gudaha ugu jiraan. Mid kamid ah Xildhibaanada lasoo badbaadiyay oo la hadashay ayaa iyada oo argagaxsan sheegtay in aysan waxa dhacay ka war bixin Karin , waxa ayna tilmaantay in qarax xoogan uu dhacay ayna kuoo daateen Miyaaradaha Xarunta Golaha Shacabka kadibna ay rasaas bilaabatay ayna soo bad baadiyeen Ciidamo katirsan Dowlada. Ciidamo katirsan Dowlada iyo kuwa AMISOM ayaa soo buux dhaafiyay xarunta Golaha Shacabka kuwaa oo gabi ahaan xiray wadooyinka gala xaruntaasi , waxaana la arkayaa gaadiidka Ciidanka iyo ampalaasta oo kusii qul qulaya xarunta Golaha Shacabka.
wajaalenews.net hargeisa/office c/raxman carab daud Related posts:Halkan Ka Daawo-Muuqaalo Layaab Leh Oo Laga Diyaariyey Mashaariicaha Horumarineed ee Laga Hirgaliyey... Galaydh oo siilaanyo kala wareegay dalkii xili xukumadu ku mashquulsanayd dagaal ka,dhana kooxda xid... Gudoomiyaha Ururka Solja Oo Ka Hadlay Xadhig Afduub Ah Ee Ciidamada Sirdoonka Somaliland Kula Kacee... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|