Wararkii Ugu Dambeeyay Qaraxyo Qasaaro Badan Geestay Oo Maanta Ka Dhacay Magaalada Nairobi Ee Dalka Kenya | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wararkii Ugu Dambeeyay Qaraxyo Qasaaro Badan Geestay Oo Maanta Ka Dhacay Magaalada Nairobi Ee Dalka Kenya
May 16, 2014 - Written by Editor:

Nairobi(wajeelenews)Waxaa Maanta qaraxyo xoogan oo dhaliyay qasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ka dhaceen Magaalada Nairobi ee Caasimada Dalka Kenya.

Mid kamid ah Qaraxyada ayaa ka dhacay Suuq aad u mashquul badan oo lagu iibiyo alaabaha Celiska ah ama lasoo isticmaalay kaa oo Lagu Magacaabo Gikomba Market oo kuyaala Magaalada Nairobi.

Qaraxa labaad ayaa isna ka dhax dhacay Mid kamid ah Basaska ka shaqeeya Magaalada Nairobi ee Mataatuuga, waxaa isna ka dhashay Qasaaro sugu jira dhimasho iyo dhaawac .

Inta la xaqiijiyay 10-qof oo Shacab ah ayaa ku dhintay labada Qarax halka ay ku dhaawacmeen qaraxyadaasi ilaa 70-qof kuwaa oo loola cararay goobaha caafimaadka si loo bad baadiyo noloshooda.

Dhaawacyada qaar ayaa lasoo tabinayaa in xaaladooda ay tahay mid halis ah , waxaana suurto gal ah sida ay tabinayaan Warbaahinta Dalka Kenya in ay sii kordhaan Qasaaraha dhimaso ee ka dhashay qaraxyada ka dhacay Nairobi .

Booliiska Kenya War hordhac ah ay soo saareen ayaa lagu sheegay in gacanta lagu dhigay sadax qof oo loo maleenayo in qaraxyadaasi ka dambeeyeen , waxaana mid kamid ah Sadaxdaasi qoftay la sheegay in ay eryadeen dad kusugnaa suuqa la qarxiyay.

Ciidamada Booliiska Kenya ayaa wada baaritaano aad u xoogan ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyay qaraxyada qasaaraha xoogan dhaliyay ee manta ka dhacay Magaalada Nairobi.

Qaraxyadan ayaa imaanaya xili dhawaan Wadamo ay kamid yihiin Mareykanka iyo Ingiriiska ay Muwaadiniintooda ugu baaqeen in ay kasoo baxaan dalka Kenya iyagoo ka digay in Weeraro argagaxiso ay dalkaasi ka dhacaan.

 

Wajaaloenews.Net

Hargeisa/Somaliland

 

COMMENTS
LINKS