War Deg Deg Ah Wasiirka Caafimaadka Somaliland Iyo guutooyin Ciidan Ah Oo Gaadhey Magaalada Buuhoodle Halkaas Oo Ay Ku Sugan Yihiin Madaxda Maamulka Khaatumo | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
War Deg Deg Ah Wasiirka Caafimaadka Somaliland Iyo guutooyin Ciidan Ah Oo Gaadhey Magaalada Buuhoodle Halkaas Oo Ay Ku Sugan Yihiin Madaxda Maamulka Khaatumo
May 4, 2014 - Written by Editor:

Buuhoodle(Wajaalenews)Magaalada Buuhoodle Waxaa Gaadhay Saleebaan Ciise Axmed Kaar Xaglatoosiye Wasiirka Caafimaadka Ee Somaliland Iyo Xubno Kale Oo Badan Oo La Socda  , Kaasoo Ka Soo Kicitimay Dhanka Hargaysa, Waxaana Soo Galbiyey Beeshiisa Hoose Iyada Oo Xalay Ay Magaalada Buuhoodle Ka Baxeen Si Ay U Soo Dhaweeyaan.

Wasiirka Ayaa Hogaaminayo Wafti Badiba Kazoo Jeeda Goboladaasi Iyo Sidoo Kale Guutooyin Ka Tirsan Ciidamada Qaranka Somaliland Oo Wata Gaadiid Kala Duwan Oo Ah Kuwa Ciidanka,

Kuwaasi Oo Iyagu Si Gaara U Ilaalinaya Amaanka Wafti Uu Hogaaminayo Wasiirka Caafimaadku Oo Kazoo Jeeda Magaaladani Sida Wayn Xagjirka Ugu Ah Qadiyada Somaliland Iyada Oo Ay Kula Qaybsan Yihiin Dadwayanaha Magaaladaasi Imaanshiyaha Wasiirka Iuo Waftiga Uu Hogaaminayo,

Ilaa iyo haatan ma jiro wax iska hor imaad ah oo ka dhacay iyada oo waftiga wasiirku kusii hakadeen tuulo ku dhaw magaalada buuhoodle halkas oo marka hore laga baqao qabay in uu dhaco iska hor imaad,

Magaalada Buuhoodle Ayaa Kala Qaybsan Iyadoo Dadka Qaarna Ay Ka Soo Hor Jeedaan Imaatinkiisa Buuhoodle Halka Kuwa Kale Ay Soo Dhaweeyeen.

Magaalada Buuhoodle Waxa Hore Ugu Sugnaa Xubno Ka Tirsan Maamulka Khaatumo Oo Uu Hor Kacayo Cali Khaliif Galaydh.

Halka Dhinaca Somaliland  Magaalada Buuhoodle Uu U Sugnaa Guddoomiyaha Dawlada Somaliland U Magacawday Gobolka Buuhoodle.

Tagitaanka Wasiirka Caafimaadka Ee Somaliland Uu Ku Tagay Magaalada Buuhoodle Ayaa Guul Weyn U Ah Xukumada Somaliland Halka Uu Dhabar Jab Ku Yahay Maamulka Isku Magacaabay Khaatumo Iyo Inta Neceb Jiritaanka Somaliland.

 wixii warar ah ee kasoo kordha kala soco wajaalenews.net

Wajaalenews.Net

Hargeisa/Office

COMMENTS
LINKS