War Deg Deg Ah: Manchester City Oo Ku Guuleysatay Horyaalka Premier League Iyo Reds Oo Niyadjabtay Inkastoo Ay Badiyeen. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
War Deg Deg Ah: Manchester City Oo Ku Guuleysatay Horyaalka Premier League Iyo Reds Oo Niyadjabtay Inkastoo Ay Badiyeen.
May 11, 2014 - Written by Wariye:

man cityHargaysa(Wajaale News):-Kooxda Manchester City ayaa ku guuleysatay koobkeedii labaad ee Premier League muddo seddex sanno gudaheed ka dib markii ay 2-0 ugu awood sheegteen kooxda West Ham United oo kulankii ugu danbeysay ee xilli ciyaareedka marti ugu aheyd Etihad Stadium.

Man City ayaa kaliya u baahneyd hal dhibic si ay horyaalka Premier League u hanato, laakiin waxa ay ku qaadeen horyaalka iyagoo labo dhibcood ka sareeya kooxda Liverpool oo horyaalka kula tartameysay kuwaasoo guul ku soo xiray xilli ciyaareedkooda.

Man City ayaa goolasha kala dhalisay labadii qeyb ee ciyaarta, waxaa marka hore hogaanka u dhiibay Samir Nasri iyadoo qeybtii labaad uu gool u saxiixay kabtan Vincent Kompany.

Taas ayaana keentay in Etihad Stadium ay markii labaad seddex sanno gudahood u dabaaldegto hanashada horyaalka Premier League. 86 dhibcood iyo 102 gool ka dib Manchester City waa kooxda horyaalka Ingariiska.

Manchester City ayaana ku guuleysatay horyaalka Premier League inkastoo ay hogaanka hayeen kaliya 14 maalmood.

Tababare Manuel Pellegrini ayaana xilli ciyaareedkiisii ugu horeysay ee England waxa uu hantay labo koob isagoo isku qaaday Capital One Cup iyo koobka Premier League oo ay caawa xaqiijisteen hanashadiisa.

Liverpool oo rajo aad u yar ka laheyd maanta hanashada horyaalka ayaa ciyaar adag kala kulantay Newcastle oo marti ugu aheyd Anfield, iyagoo 2-1 ku qaarjiyay.

Reds ayaa hogaanka looga hormaray markii Skrtel uu gool iska dhaliyay, laakiin waxaa Liverpool u barbareeyay qeybtii labaad ee ciyaarta Daniel Agger oo lagu soo bilaabay kulankaan.

Daniel Sturridge ayaana gool la mid ah goolkoodii hore hogaanka ugu dhiibay Liverpool. Iyadoo Amoebi casaan toos ah laga siiyay Newcastle United. Waxaana dhamaadkii ciyaarta mar kale Newcastle casaan toos ah ka qaatay Paul Dammet, waxaana ay ciyaarta ku dhameysteen 9 ciyaaryahan.

1399822369825_lc_galleryImage_image001_png

 

Wajaale News
Hargaysa Office
Email:habane00@gmail.com
Wariye:Abdiqadir Abdirahaman Habane

 

 

 

 

COMMENTS
LINKS