Wafdi Balaadhan Uu Horkacayo Madaxwayne ku xigeenka Oo Galabta Soo Gaadhay Boorama. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wafdi Balaadhan Uu Horkacayo Madaxwayne ku xigeenka Oo Galabta Soo Gaadhay Boorama.
May 17, 2014 - Written by Wariye:

saylici.bmpBoorama(Wajaale News):- Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Eng C/raxmaan C/laahi Ismail “Saylici” Iyo wafti wasiiro ay ka mid yihiin wasiirada,xidhiidhka golayaasha,wasiirka biyaha iyo wasiirka xanaanada iyo xoolaha somaliland iyo xildhibaano ah uu hogaaminayo ayaa goor danbe oo galabta soo gaadhay magaalada Boorama ,waftiga madaxwayne ku xigeenka ayaa soo dhawayntiisa waxaa ka hortagay maamulka gobolka kan degmada,Salaadiin iyo mas’uuliyiin kale kalagaga hortagay magaalada Dilla oo Boorama u jirta 28KM.

 

Waftiga madaxwayne ku xigeenka ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay gudaha Boorama waxaana uu ku dagay guriga Guest house ee Gobolka Awdal,madaxwayne ku xigeenka ayaa maalinta barri ah la filayaa in uu kala  qayb galo bulshada reer Boroama munaasabada 23 guurada 18 may ee qaranamida Somaliland.

 

Madaxwayne ku xigeenka oo warkooban siiyaya saxaafada

markii uu soo gaadhay duleedka magaalada Boorama ayaa uga mahadceliyay dadwaynihii badnaa eek u soo dhaweeyay magaalooyinka gabiley dila iyo Boorama waxa kale oo uu sheegay in ujeedka safarkiisu yahay ka qaybgalka munaasabada 18may oo maalinta barrri ah si wayn looga dabaaldagayo guud ahaan Somaliland iyo gaar ahaan degmada Boorama.

Wajaale News
Hargaysa Office
Email:habane00@gmail.com
Wariye;Abdiqadir Abdirahman Habane

COMMENTS
LINKS