|
|||||
WAJAALE NEWS
Ururka Suxufiyiinta Madaxabanaan ee SSJW oo Luuqad adag ku cambaareeyey xadhiga Masuuliyiinta Haatuf
May 10, 2014 - Written by Editor:Ururka Suxufiyiinta Madaxabanaan Ee SSJW Oo Si Kulul U Cambaareeyay Xadhiga Masuuliyiinta Haatuf, Kuna Tilmaamay Kali-Talisnimo Iyo Shirqool “Madaxweyne Siilaanyo Waxaanu Leenahay Somalia Siyaad Barre Ayay Eeday Adigana Somaliland Yaanay Ku Eedin” Afhayeenka SSJW Maxamed Sagax
Hargeysa, (Wajaalenews) – Ururka suxufiyiinta iyo qorayaasha madaxabanaan ee Somaliland SSJW ayaa cambaarayn kukul u jeediyay talaabada ay xukuumada Siilaanyo xabsiga ugu taxaabay maanta gudoomiyaha wargeyska Haatuf mujaahid Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Tifaftiraha wargeyska Axmed Cali Cige, taas oo ay ku tilmaameen mid sharci daro ah oo ka soo horjeeda distoorka qaranka iyo xeerka saxaafada ee dhaqan galka ah xeer lr 27/2004 oo damaanad qaaday madaxbanaanida saxaafada iyo xoriyatul qawlka. Ururka SSJW waxa kale oo xadhiga masuuliyiinta Haatuf uu ku tilmaamay mid gebi ahaanba meesha ka saaray madaxbanaanidii xoriyaul qawlkii Somaliland, isla markaana dhabaha saaray dariiqii kalitalisnimada ee rajiimkii Siyaad Barre. Ururka SSJW waxa uu uga digay xukuumada Siilaanyo cabudhinta iyo xadhiga sharci darada ah ee ay ku hayso warbaahinta madaxbanaan iyo suxufiyiinta ka hawlgala, waxaanu ugu baaqay madaxweyne Siilaanyo inaanu dalka u horseedin dhabihii iyo habdhaqanadii rajiimkii Siyaad Barre dalka lagaga xoreeyay ee aakhirkii sahayday burburkii Somalia. Waxaanay ku baaqeen in si bilaa shuruud ah xoriyadooda loogu soo celi madaxda haatuf ee xabsiga loo taxaabay, isla markaana si degdega xayiraada looga qaado wargeysyada Haatuf iyo Hubaal ee xarumahooda la xayiray. Ururka suxufiyiinta iyo qorayaasha madaxabanaan ee SSJW waxa uu sidaasi ku sheegay warsaxaafadeed uu maanta soo saaray afhayeenka ururkaasi Maxamed Sagax, waxaanu u qornaa sidan:- Ururka suxufiyiinta iyo qorayaasha madaxbanaan ee SSJW waxa uu si kulul u cambaaraynayaa xadhiga maanta xabsiga loogu taxaabay gudoomiyaha wargeyka Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo tifaftiraha wargeyskaasi Axmed cali Cige oo horena xayiyaad loo saaray xarumihii warbaahinta Haatuf iyo Somalilan Times, taas oo ururka SSJW uu u arko mid sharci daradii hore ee lagu xayiray Haatuf iyo Somaliland times lagu sii daray sharci darada maanta xabsiga loogu taxaabay masuuliyinta Haatuf,waxa uu u arkaa SSJW xadhigan iyo xayiraada mid baalmarsan distoorka qaranka iyo xeerka saxaafada xeer lr 27/2004 ee dhaqangalka ah, isla markaana meesha ka saaraya xoriyatul qawlkii iyo madaxbanaanidii saxaafada ee distoorku damaanad qaaday madaxbanaanidooda. Sidaa darteed waxa uu ururka SSJW uga digayaa madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumadiisa inaanay dalka u horseedin cabudhintii iyo talaabooyinkii sahayday rajiimkii Siyaad Barre ee aakhirkii ku khaatumo xumaystay cabudhintii, jidhdilkii iyo xadhigyadii sharci darada ahaa ee uu kula kici jiray shacbiga. Sidoo kale ururka SSJW u arkaa talaabadii maxkamada gobolka Hargeysa ugu yeedhay masuuliyiinta Haatuf mid ujeedada Ka dambaysaa ahayd mid shirqool ah oo loogu maleegayay xadhigan lagu fuliyay maanta Ururka SSJW waxa uu ugu baaqayaa madaxweyne Siilaanyo iyo maamulkiisa inay si bilaa shuruud ah xayiraada uga qaadaan wargeysyada Haatuf iyo Hubaal, isla markaana xariyadooda si dhakhso ah ugu soo celiyaan masuuliyiinta Haatuf ee xabsiga loo taxaabay. Ururka SSJW waxa uu kula talinayaa isla markaana uga digayaa madaxweyne Siilaanyo inuu raaco dariiqooyinkii Siyaad Barre ku burburiyay dalkii Somalia la odhan jiray inuu u horseedo Somaliland oo xornimadeeda halgan dheer oo dhiigg badan loo daadiyay lagu keenay.
WAJAALENEWS DESK HARGEISA OFFICE EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM Related posts:Musharaxa Madaxwayne Ee Xisbiga Waddani Oo Ka Hadlay Heshiiskii Somaliland Iyo Itoobiya + Duruufaha ... War Deg Deg AH;Shir Lagu Go,aamiyay Talaabooyin K a Dhan Ah Musharixiinta Garabka Is Bahaysiga Ku... Wasaarada Hawlaha Guud oo Sheegtay Inay Joojisay Dad Ajaaniba oo Qodayay Buuraha Waqooyiga Hargeysa COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|