Ururka Somaliland Foundation Oo Kulan La Qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ururka Somaliland Foundation Oo Kulan La Qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland.
May 14, 2014 - Written by Wariye:

Hargeisa, Somaliland: (Wajaale News)  Ururka Somaliland Australian Friendship Foundation. oo Tixraaciisu yahay, www.somalilandfoundation.com. Ururkaas oo u taagan Ictiraaf raadinta iyo gargaarka caalamiga ah ee ku aadan dalkeena hooyo ee Somaliland. Waxa hadaba maanta mar kale farxad weyn oo aan la soo koobi karin noo ah, In aanu maanta kulan saacado qaatay kula yeelanay xafiiskiisa Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland His Excellency, Ahmed Mohamed Mohamoud “Siilaanyo” iyo Madaxweyne Ku xigeenka

Jamhuuriyada Somaliland His Excellency, Abdirahman Abdillaahi Ismail (Saylici) Waxa hadaba kulankan nagu wehelinaayey, wasiirka Macdanta iyo Tamarta The Hon. Hussein Abdi Dualleh. Gudoomiyaha xisbul xaakimka Kulmiye ee dalka Australia mudane Xassan Ahmed Maxamed (Hallac) oo ku magac dheer Xassan Mataan. Iyo mataanka kale Mudane Xuseen Ahmed Mohamed (Hallac). iyo dabcan Fanaanka weyn ee qaaliga ah Fu’aad Cumar Cabdi oo ku abtirsada kooxda (Walaalaha Sweden).

Waxa ururka Somaliland Foundation uu uga mahad naqay madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waxqabadka muuqda ee ay dawladiisu ku talaabsatay dhankasta oo aad eegtaba. Kaas oo run ahaanti ah wax aan indhaha laga qarsan karin horumarka maanta Somaliland gaadhay ee aanu indhahayaga ku soo aragnay. Waxa hadaba ururka Somaliland Foundation uu madaxweynaha gudoonsiin doona shahaado sharaf habeenka xuska dabaal dega 18 May. Hadii Allaha awooda lihi ogolaado. Shahaado sharaftaas oo ka turjumaysa waxqabadka muuqda ee madaxweynuhu

Wajaale News
Hargaysa Office
Email:habane00@gmail.com
Wariye:Abdiqadir Abdirahan Habane

COMMENTS
LINKS