Ururka codka Haweenka iyo dadka laga Tirada Badanyahay VOSMWO oo Magaalada Burco ku qabtay Kulan lagaga hadlaayey,Ka qabgalka siyaasada. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ururka codka Haweenka iyo dadka laga Tirada Badanyahay VOSMWO oo Magaalada Burco ku qabtay Kulan lagaga hadlaayey,Ka qabgalka siyaasada.
May 15, 2014 - Written by Editor:

Burco(Wajaalenews)Ururka codka Haweenka laga Tirada Badanyahay VOSMWO ayaa Maanta Magaalada Burco ku qabtay Kulan lagaga hadlayay,Ka qabgalka siyaasada iyo iyo horumarka,kulankan oo ay soo qabanqaabiyay ururka Vosomwo isla markaana ay maalgalisay Hay,ada NED waxaa ka soo qaybgalay,Madaxda Gobolka,Cuqaal,Qaar ka mid ah Hayadaha wadaniga ah,qaybaha kala duwan ee Beelaha Gabooyaha.waxaana ugu horayn Furitaanka Kulankaas ka hadlay Gudoomiye ku Xigeenka Gobolka Togdheer Maxamed Maxamud Yuusuf(Ubaxle) waxanu yidhi” dhaqankeena iyo diinteenu inama farayaan wax kala sareeyay kitaabkeena quraanka ayaa sheegaya in cida inoogu mudantahay cida illaahay u hogaansanta,anaguna cadaalad iyo sinaan baanu ku maamulaynaa wax kasta oo laydinkaga gardaranyahay wax ka qabshadeeda diyaar baanu idiinla nahay,madaxwaynuhuna hadii uu haweenka kooto u xidhay waxaan filayaa in idinkana uu si cadaalad ah idiin eegi doono.
Gudoomiyaha Ururka VOSOMWO Nimco Iid Salaan oo iyana ujeedada kulankan ka warbixinaysay ayaa sheegtay in Beelahan la hayb soocaa ay u baahanyihiin in Kuraasta sharci dajinta kooto loogu xidho waxaanay tidhi”Kulankan waxay ujeedadiisu tahay sidii Beelahan laga tirada badanyahay ay uga qaybqaadan lahayeen Horumarinta iyo talada Dalka,waxaanu aad uga Xunahay Hadaladii dhawaan kasoo yeedhay Madaxwaynaha Somaliland ee ku saabsanayd Kootada loo qoondeeyay Haweenka iyo beelaha laga Titrada badanyahay ee ku sheegay labada Gole iyo shirkii Xisbiga talada haya ee Kulmiye taas oo aanu ku soo qaadin Kootadii Dadka laga tirada badanyahay laakiin uu sheegay oo ku koobay in haweenka loo ansixiyay,Arintaasina waxay n nagu keentay niyad jab iyo werwer  dheeraad ah,Waxaanan u ragnaa arinta kaliaya ee aanu kaga qabqaadan karo Siyaasada dalka inay tahay habka kootada oo kaliya,Nimco iyadoo hadalkeedii sii wada waxay tidhi”madaama aanu tijaabinay inaanay kusoo baxayn doorashooyinkii tooska ahaa waxaanu madaxwayanaha cod dheer ugu sheegaynaa inaanad nagala noqon wixii aad hore noogu baas garaysay oo ah kootada oo aad si dab ah noogala shaqayso sidii baarlamaanku u ansixnlahayeen,waxaanu kaloo aad uga xunahay Falal beryahayn ka dhacayay Magaalada Boorame kuwaas oo lgu bartilmaameed sanayay beelahan,waxaanu ka codsanaynaa Madaxda Gobolka Awdal,waxgaradka,Dhalinata,

Haweenka iyo Culimada inay wax ka qabtaan talaabadan ka dhanka ah Xuquuqda Aadamaha iyo dhaqanka Suunban, ugu danbayna waxan leeyahay madaxda Gobolkan Togdheer inay walaalahooda beelahan Fursadaha shaqo ka qayb galiyaan ayay nimco hadalkeedii kusoo xidhay’
Oday Deeq Ismaaciil Mire oo ugu danbayn Kulankaas ka hadlay ayaa isna Beelahan ugu baaqay inay dedaalaan oo wax bartaan fadhigana ka kacaan,sidoo kale waxa uu ku baaqay in kootada beelahan loo samaynayo toro ku filan looga dhigo si  aan hadhaw beelahan qaar u qadin
WAJAALENEWS DESK
BURCO OFFICE
EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM
COMMENTS
LINKS