Ugu dhaarta madaxweyne siilaanyo iyo qurbajoogtiisa in ay somaliland ka goday somaliya 18,may, 1991 iyo in afti qaran laga qaaday 2001 markii uu wadanka ka maqnaa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ugu dhaarta madaxweyne siilaanyo iyo qurbajoogtiisa in ay somaliland ka goday somaliya 18,may, 1991 iyo in afti qaran laga qaaday 2001 markii uu wadanka ka maqnaa
May 12, 2014 - Written by Editor:

Waxa aan salaamayaa dhamaan shacabka sharafta leh ee reer Somaliland,salaan ka dib. walaalayaal waxa aad ogtihiin waxa maanta ka socodka wadankii, waxa maanta la marayaa 1991, waxa maanta aad arkaysaan oo marag ma doona ah in sharciyadii iyo madax banaanidii Somaliland loo burburinaayo si qunyar qunyar ah, waxa maanta la fulinayaa qodobadii lagu soo galay Turkiga ee ahaa in shacabka koonfureed iyo shacabka waqooyi is dhex galaan,waxa maanta ay xukumada siilaanyo haysaa hadhabihii burburinta aayihii iyo jiritaankii qarankan Somaliland.

Waxa aan u malaynayaa madaxweyne siilaanyo ma ogayn in beelaha Somaliland oo dhami isugu tageen magaalo madaxda gobolka togdheer ee burco oo lagaga dhawaaqay madaxbaanida Somaliland, shacabiga waxa aan leeyahay ugu dhaarta siilaanyo in ay Somaliland ka qaadatay madax banaani somaliya inteeda kale 18, May, 1991.

Waxa kale oo jirta in aanu siilaanyo iyo inta uu xilka u dhiibtay aanay midna la socon in dadku afti u soo baxeen 2001 oo la waydiiyey maka sii mid ahaanaysaan somaliya mise waynu ka go’aynaa, waxa aan filayaa in aanay haba yaraatee taasi la socon, waayo waxa kuu cadaynaysa arimahaas oo dhan talabooyinka uu fudaydku ku jiro ee ay qaadayso xukumadan siilaanyo ee aan ku shaqaynaynin mabaadiida iyo xaqa jiritaanka qaran ahaan.

 

Waxa marag ma doon ah oo iska cad in ay shirqool  maleegayso xukumadani, shirqoolkaasi waa mid lagu hardaamaynayo umadan Somaliland iyo midihii ay beeranayeen saddex labaatankii sanadood ee ina soo dhaafay, maanta diyaar bay shacabku Somaliland u yihiin difaacida qaranimada Somaliland xitaa hadii laga difaacayo xukumadan talo habawday.

waxa maanta odayaashan reer muqudisho ka soo baxay hadalo is khilaafsan oo ay kaga hadlayaan safarkoodan ay ku yimaadeen Somaliland.

 

Waxa aad arkaysaan talaabooyin majaro haabinta ee lagu baabiyey sharciyadii qaranku lahaa,waxa ay xukuumadu baabiisay sharcigii xakamaynayey in siyaasiyiintu iska tagaan somaliya,waxa kale oo ay dawladu iska dhex fadhiisatay shirkii turkiga ee odayaasha dhaqanka ee somaliya la isugu geeyey magaalada Istanbul ee dalka Turkiga taasi oo lagu heshiisiinayey koonfurta somaliya taasi oo dhalisay dareen aduunku inaga qaatay oo ay u fahmeen in ay Somaliland ka noqotay jiritaan Somaliland.

 

Waxa kale oo ay dawladu burburisay sharciyadii Hawada,Bada iyo dhulka taasi oo inta gudidi loo saaray la yidhi gudi ayaa wada maamulaysa, waxa kale oo marag ma doona ah in ay wasaaradu duulistu tidhi xubnaha dawlada somaliya taraansid way ku iman karaan madaxda somaliya,waxaas oo dhami waxa ay diciifiyeen jiritaanka Somaliland.

Madaxweyne inta aad  xukumadaada ku jirta badankoodu  ma oga inay wadankan dhib badan loo soo mar ee u sheeg in kuwii xoreeyey iyo kuwey dhaleenba ay joogaan wadanka diyaarna u yihiin ay difaacaan wadankooda,waxaaba ay xubno xukumadaada ka tirsani ku faaneen in ay iyagu ka dagaalamayeen gudaha wadanka,halka SNM ay fulayey ahaayeen,hadaa waa kuwii basaasayey SNM ee ku soo barbaray NSS-tii siyaad barre,UDUB-tii ayaa odhan jirtay SNM ayaanu dalka dib uga xoraynay waana wixii lagu nacay ee kulmiye lagu raacay,yaanay dhicin in adiga dib wadanka lagaaga xoreeyo.

Guurtida iyo Baraalamaanka  waxa aan leeyahay sharcida ku ilaaliya xukmada xadhka goosatay ee u baahan dabar sharciyee, shacabkana waxa aan leeyahay ha ilaabin baabi’ii,gumaadkii iyo dhibaatadii baaxada lahayd ee inku dhacay.

 

. By mahad cumar siciid.

COMMENTS
LINKS