TELESOM Oo Hadhimo-sharafeed U Samaysay Badhasaabada Cusub Ee Gabiley Iyo Sanaag + Sawirro | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
TELESOM Oo Hadhimo-sharafeed U Samaysay Badhasaabada Cusub Ee Gabiley Iyo Sanaag + Sawirro
May 3, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(Wajaalenews);Shirkadda Isgaadhsiinta ee TELESOM, ayaa maanta casuumad soo dhaweyn ah u samaysay Badhasaabada cusub ee loo Magacaabay Gobollada Gabiley iyo Sanaag.

Sidoo kale, waxa casuumadda Labada masuul ee loo sameeyay ka qayb-galay Agaasimaha cusub ee wasaaradaha Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyi-galinta Somaliland, Guddoomiyihii guddida horumarinta gobolka Gabiley, Mr. Darbo oo ah Madaxa xidhiidhka dadwaynaha iyo saxaafadda ee shirkadda Telesom iyo Mustafe Aaden oo ka mid ah Madaxda shirkadda Telesom.

Casuumaddan oo qado sharafta ahayd isla-markaana ka dhacday huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka hadlay Mr. Darbo, waxaanu sheegay in sababta ay qado-sharafta ugu sameeyeen badhasaabada loo Magacaabay Gobollada Gabiley iyo Sanaag, Mustafe Cabdi Ciise (Shiine) iyo Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), ay tahay dhiir-galin iyo inay ku bogaadiyaan xilalka loo magacaabay ee ay qaranka masuulka uga yihiin, isla-markaana muujiyaan sida ay u soo dhaweynayaan.

Mr. Darbo, waxa uu sheegay in shirkadda Telesom ay soo dhaweynayso Badhasaabada cusub ee Gabiley iyo Sanaag, isaga oo ku dhiirigaliyey in masuuliyadda loo dhiibay ay sida ugu fiican uga soo baxaan.

Badhasaabka cusub ee gobolka Gabiley, Mustafe Cabdi Ciise (Shiine) oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu wax badan ka qaban doono horumarinta gobolka Maamulka looga dhigay, isaga oo kaashanaya Maamulka kale ee gobolkaasi iyo dadweynaha

Badhasaabka gobolka Sanaag, Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) oo isna halkaasi ka hadlay, ayaa shirkadda TELESOM uga mahad-celiyey casuumadda ay ku samaysay.

 

COMMENTS
LINKS