Talooyin ku socda bulshada reer Somaliland ee xuska maalinta 18′ka May | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Talooyin ku socda bulshada reer Somaliland ee xuska maalinta 18′ka May
May 16, 2014 - Written by Editor:

Waxaan markasta iyo meelkastaba ugu mahadnayaa ALLAH oo inoo suuro galiyay in aynu isgaadhsiino waxkastana inoo fudaydiyay.

Waxaan kaloo aad u salaamayaa dhamaan bahda saxaafada qaybaheeda kala duwan iyo bahda akhristayaasha meelkasta oo ay dunida ka joogaan.

Somaliland waxa ay sanadkasta xustaa munaasibada ugu balaadhan oo ay ugu dabaal degayso maalintii ay Somaliland heshay xornimada iyo madaxbanaanida .

18ka may waa maalin qiimo leh, qurux, leh , waana maalin aynu ku doono in aynu helno citiraaf inaga oo tusayna caalamka qadiyadeena iyo madaxbanaanideena.

18ka may waa maalin qiiro leh marka la xusayo waa maalin dareen leh , waa maalin naxdin iyo farxad labada leh, waana maalin xusuus gaara u leh dhamaan shacabka Somaliland.

Shacabka Somaliland waxay sanadkasta xusaan maalinta 18ka may iyadoo cidkastaaba ku xusto meel kasta oo ay joogaan.

Hadaba maxaa looga baahan yahay dhamaan cidkasta oo xusaysa 18ka may?.

Waxa looga baahan yahay in ay la yimaadaan soo jiidasho cusub oo soo jiidanaysa beesha caalamka soo jiidashadaas oo aan qofkasta kula talinayo inuu la yimaado qaab cusub oo wax ka badalaya indhaha beesha caalamka iyo dhamaan cidkasta oo jecel qadiyada Somaliland.

Waxaan cidkasta oo xusaysa 18ka may ee madaxbanaanida Somaliland kula talinayaa sidatan:—-

In la ilaaliyo magaca iyo sharafta ay leedahay maalinta 18ka may

In la ilaaliyo dhamaan dadka waayeelka ah ee ka qayb qaadanaya xusida 18ka may kuwaas oo u baahan in laga ilaaliyo cidhiidhiga jiidh-jiidhka.

In laga ilaaliyo waxkasta oo dhib ku keenaya cidkasta oo ka qayb qaadanaysa xuska 18ka may

In si gaara loo ilaaliyo dhamaan haweenka/ caruurta iyo hooyooyinka ,

In qofkastaaba uu samaysto hadal wanaagsan oo uu kaga qaybqaadanayo xuska maalintaas.

In cidkasta oo xusaysa maalintaas ay la timaado xusmad iyo qadarin meelkasta oo ay ka dhacayso xafladaasi.

In si gaara loola shaqeeyo dhamaan qaybaha warbaahinta ee heeganka ugu jirta gudbinta xuska 18ka may.

In qofkasta oo haysta astaan gaara oo soo jiidasho leh lagu soo dhaweeyo shaashadaha iyo saxaafada qaybaheeda kala duwan.

Qodobka ugu muhiimsani waa in qofkasta oo xusaya maalintaas looga baahan yahay waa kuwa dalka gudihiisa joogee inuu noqdo askari ka shaqaynaya nabada ilaalinaya xasiloonida iyo qaab wanaaga loo marayo 18ka may .

In qofkastaaba meeshiisa loo qoondeeyay istaago isagoo iska ilaalinaya inuu qaab iyo quruxda lumiyo.

In dawladu si taxader ula socoto ilaalinta nabada iyi hawlaha kalaba ,meelkastana ay ka war hayso waxa ka socda.

Intaas waxaan ku soo afmeerayaa talooyinkii ku socday bulshada Somaliland ee xusaysa maalinta qaranimada Somaliland waxaanan u rajaynayaa IN MEELKASTA LAGA HELO GUUL IYO FARXAD.

Wabilaahi tawfiiq

More about me

Farhan Mohamed Sultan Nur (Rakad)

Email: farxaanmxd@gmail.com

TELL: 252263–4400319

Hargeisa

Skype: Farxaan.mxd

Face book: rakad mxd sultan

COMMENTS
LINKS