Taliyihii hore ee ciidanka qaranka Somaliland muj. Maxamed Hassan Cabdilaahi (jidhif) oo kahadlay khilaafka xisbiga kulmiye | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Taliyihii hore ee ciidanka qaranka Somaliland muj. Maxamed Hassan Cabdilaahi (jidhif) oo kahadlay khilaafka xisbiga kulmiye
May 28, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(Wajaalenews)Taliyihii hore ee ciidanka qaranka Somaliland muj. Maxamed Hassan cabdilaahi (jidhif)ayaa maanta mar uu u waramayay shabakada wararka ee wajaalenews wuxuu talooyin u soo jeediyay  xusbiga kulmiye isagoo   hadlayay wuxuu yidhi )  khilaafka  xisbiga kulmiye  uguna  baaqay dhinacyada kulmiye in aan wabiga labadiisa dhinac lakala istaagine  ee wada hadal wax lagu dhameeyo,

Tobankii sanadood ee  halgankii dib u xoraynta Somaliland iyo sadex iyo labaatankii sanadood  ee somaliland xornimada lasoo noqotay khilaafyadii dhici jiray majiro khilaaf dhacay oo sharci lagu kala baxay. Dhamaantoodna waxay ku dhamaadeen wada hadal, dhexdhexaadin,isu tanaasul iyo is afgarasho.

Shirweynihii xisbiga kulmiye ee burco waxaa dhacay khilaaf lagu xaliyay wada hadal, kahor shirweynihii sadexaad khilaafkii dhacay waxaa loo saaray gudigii turxaan bixinta xisbiga kulmiye oo uu gudoomiye ka,ahaa wasiirka arimahadibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, waxaanay soo saareen go,aamo khilaafka lagu xaliyay oo ahayd in dhamaan qodobada ay soosaareen laga ansixiyo shirweynihii sadexaad ee xisbiga Kulmiye taasina ma ay dhicin.

Waxaanay iila muuqataa in khilaafku salka ku hayo qabyo katimid gudidii turxaan bixinta xisbiga kulmiye. Hadii sharci lagu kala baxayo muu baaba,een xisbigii udub ee waxa uu ku kala bixi lahaa sharci.

 Inta nool iyo intii dhimatayba tacab ayaa inaga galay wadankan sidaas darted waxan usoo jeedinayaa madaxda xisbiga Kulmiye inaanay wabiga labadiisa dhinac kalataagnaan ee ay raacaan dariiqii ay somalilnad ku caano maashay.

 WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS