Somaliland Oo Shir Caalami Ah Kaga Qayb Galaysa Dalka Nijeeriya | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Somaliland Oo Shir Caalami Ah Kaga Qayb Galaysa Dalka Nijeeriya
May 6, 2014 - Written by Editor:

Abuja(Wajaalenews)Wefti Ka Socda Jamhuuriyadda Somaliland, Ayaa Dalka Nigeria (Nayjeeriya) Ee Galbeedka Qaaradda Afrika Kaga Qaybgelaya Shirweyne Caalami Ah Oo Furmaya Arbacada Berri.

Shirkan Oo Ay Ka Qaybgalayaan Madaxweynayaal Ka Socda Dalalka Afrika, Ra’iisal-Wasaaraha Shiinaha Iyo Ilaa  Hoggaamiyeyaal Ilaa 900 Xubnood Ah, Kana Kala Socda Dawladaha Caalamka, Shirkadaha Ganacsiga, Ururrada Bulshada, Aqoonyahanno Iyo Khubaro Aqoon U Leh Cilmiga Dhaqaalaha, Waxa Uu Magaalada Abuja Ee Dalka Nigeria Ka Furmi Doonaa Arbacada Berri Ee Taariikhdu Tahay 7 May 2014, Kaasoo Socon Doona Muddo Saddex Maalmood Ah, Waxana Somaliland Uga Qaybgalaya Wasiirrada Arrimaha Dibadda Md. Maxamed Biixi Yoonis Iyo Ganacsiga Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar.

 

Qoraal Ka Soo Baxay Ururka Shirka Qabanaya Oo La Yidhaa World Economic Forum , Waxa Lagu Sheegay In Arrimaha Lagaga Doodi Doono Muddada Saddexda Maalmood Ah Ee Uu Socdo (7-9 May) Maalgashiga Khayraadka Afrika, Kobcinta Dhaqaalaha, Shaqo-Abuurka Iyo Arrimaha Horumarka, Waxana Ilaa Hadda Xaqiijiyey Inay Shirkaas Ka Qaybgalayaan Madaxweyneyaasha Dalalka Nigeria, Bennin, Ivory Coast, Ghana, Kenya, Ruwandha, Senegal, Tansaniya, Togo, Ra’iisal-Wasaarayaasha Waddamada Shiinaha Iyo Madagascar, Arrintaasoo Weftiga U Ah Fursad Ay Dunida Iyo Qaaradda Afrika Ugu Bandhigaan Qaddiyadda Aqoonsiga Iyo Maalgashiga Khayraadka Dihin Ee Ku Duugan Somaliland.

 

Wajaalenews.Net

Hargeisa/Office

COMMENTS
LINKS