Somaliland oo laga Dareemayo Dhaqdhaqaaqa Xuska 18may FAALO | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Somaliland oo laga Dareemayo Dhaqdhaqaaqa Xuska 18may FAALO
May 15, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(WAJAALENEWS);  waxa guud ahaan dalka Somaliland ka socda dhaqdhaqaaq lugu dabaal dagayo xuska sanad guuradii 23aad ee ka soo wareegtay markii  soomaaliland xornimada kala soo noqotay somaliya dadweynaha ku dhaqan caasimada  Somaliland ee hargaysa  ayaa maal mahan danbe hadal haya soo dhawaynteeda iyadoo ay si aad ugu diyaar garoobaya xuska sanad guurada 23aad ee 18 may oo fooda inagu soo haysa ,wax suuqa waa wayen eek u yaala hargaysa  lagu soo bandhigay sadexdda midabee astaanta qaranka  Somaliland oo ay dadweynuhu iib sanayaan  sidoo kale gabi ahaanba badhtamaha suuqa lala taagan yahay  si looga iibiyo dadweynaha  sidoo  kale waxa  lagu soo bandhigay  dhar ka samaysan calanka oo sanadkan si aad loo soo banadhiga waxa  markay indhuhu  ku dhacaan ku soo jiidanaya midbada kala duwan ee astaanta qaranka Somaliland waxaad akaysaa dadweyne ku mashqulsan samaynta iyo iibsashada calanka somliland  waxad dareemaysaa muxibada iyo galgacaylka ay u hayaan dadwaynuhu qaranimada iyo madax banaanida Somaliland

waxa dib u habayn iyo qurxin lagu samaynayaa wadooyinka si ay dadweynuhu u maraan maalinta xuska 18 may  dawladda hoose ayaa xashiishka  ka hagaajinaysa meel walba oo qashinyaal walaw ay dawladuna ay qurxinta wasaaradaa hortooda iyo goob walba oo dawladu  ka hawlgasho ay hagaa jinayso ama ay ku mashquulsantahay  sidii ay bilic ugu samayn lahayd waxay indhahaagu qaanayaan ganacsatadii oo meheradahooda ku sharaxay astaanta  calanka Somaliland si ay uga qayb qaataan xusida sanad guurada 18may .

sanadka ayaan ka duwan sanadihii hore iyadoo dadweynuhu sugaya goortay dhicidoonto munaasibadani waxa iyaguna koox isku diyaarinaya oo si balaadhan uga qayb qaadanaya ardayda schoolada ,madarasadaha ,jaamacadaha, ganacsatada waxa  iyaguna  si wayn habeen iyo dharaar  isku sii diyaarinaya qaybaha kala duwan ee  ciidamada qalabka sida waxa dareemaysaa qaban qaabada xuskan oo aad u balaadhan

waxa madaxda banakoodu dadweynha ku dhiiri galinayaan xuska 18may  inay si aada iskugu soo baxaan wayneeyaana qaranimada Somaliland ,waxa dalka ku soo socda wufuud badan oo ka socota wadamada aynu jaarka nahay si ay  shacabka Somaliland kala qayb qaataan xuska  munaasibada 18may ,waxaana madaxbadan oo ka mida xukuumada iyo mucaaridkuba ku sii socdaan dalka dibadiisa si ay qurba joogta Somaliland ee ku dhaqan dalka dibadiisa ugala qayb galaan xuska 18may  ,sanad guurada 23aad  ee 18may ayaa jawi wanaagsan oo degan loogu diyaar garoobbayaa iyadoo dadweynuhu ku farax san yihiin xusida iyo u dabbaal dagida qaranimada iyo madax banaanida  Somaliland

Qoraa :xuseen siyaad cilmi {mataan}                                         

peac143@hotmail.com 

.

 

COMMENTS
LINKS