|
|||||
WAJAALE NEWS
Somaliland oo laga Dareemayo Dhaqdhaqaaqa Xuska 18may FAALO
May 15, 2014 - Written by Editor:HARGEISA(WAJAALENEWS); waxa guud ahaan dalka Somaliland ka socda dhaqdhaqaaq lugu dabaal dagayo xuska sanad guuradii 23aad ee ka soo wareegtay markii soomaaliland xornimada kala soo noqotay somaliya dadweynaha ku dhaqan caasimada Somaliland ee hargaysa ayaa maal mahan danbe hadal haya soo dhawaynteeda iyadoo ay si aad ugu diyaar garoobaya xuska sanad guurada 23aad ee 18 may oo fooda inagu soo haysa ,wax suuqa waa wayen eek u yaala hargaysa lagu soo bandhigay sadexdda midabee astaanta qaranka Somaliland oo ay dadweynuhu iib sanayaan sidoo kale gabi ahaanba badhtamaha suuqa lala taagan yahay si looga iibiyo dadweynaha sidoo kale waxa lagu soo bandhigay dhar ka samaysan calanka oo sanadkan si aad loo soo banadhiga waxa markay indhuhu ku dhacaan ku soo jiidanaya midbada kala duwan ee astaanta qaranka Somaliland waxaad akaysaa dadweyne ku mashqulsan samaynta iyo iibsashada calanka somliland waxad dareemaysaa muxibada iyo galgacaylka ay u hayaan dadwaynuhu qaranimada iyo madax banaanida Somaliland waxa dib u habayn iyo qurxin lagu samaynayaa wadooyinka si ay dadweynuhu u maraan maalinta xuska 18 may dawladda hoose ayaa xashiishka ka hagaajinaysa meel walba oo qashinyaal walaw ay dawladuna ay qurxinta wasaaradaa hortooda iyo goob walba oo dawladu ka hawlgasho ay hagaa jinayso ama ay ku mashquulsantahay sidii ay bilic ugu samayn lahayd waxay indhahaagu qaanayaan ganacsatadii oo meheradahooda ku sharaxay astaanta calanka Somaliland si ay uga qayb qaataan xusida sanad guurada 18may . sanadka ayaan ka duwan sanadihii hore iyadoo dadweynuhu sugaya goortay dhicidoonto munaasibadani waxa iyaguna koox isku diyaarinaya oo si balaadhan uga qayb qaadanaya ardayda schoolada ,madarasadaha ,jaamacadaha, ganacsatada waxa iyaguna si wayn habeen iyo dharaar isku sii diyaarinaya qaybaha kala duwan ee ciidamada qalabka sida waxa dareemaysaa qaban qaabada xuskan oo aad u balaadhan waxa madaxda banakoodu dadweynha ku dhiiri galinayaan xuska 18may inay si aada iskugu soo baxaan wayneeyaana qaranimada Somaliland ,waxa dalka ku soo socda wufuud badan oo ka socota wadamada aynu jaarka nahay si ay shacabka Somaliland kala qayb qaataan xuska munaasibada 18may ,waxaana madaxbadan oo ka mida xukuumada iyo mucaaridkuba ku sii socdaan dalka dibadiisa si ay qurba joogta Somaliland ee ku dhaqan dalka dibadiisa ugala qayb galaan xuska 18may ,sanad guurada 23aad ee 18may ayaa jawi wanaagsan oo degan loogu diyaar garoobbayaa iyadoo dadweynuhu ku farax san yihiin xusida iyo u dabbaal dagida qaranimada iyo madax banaanida Somaliland Qoraa :xuseen siyaad cilmi {mataan} .
Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|