Somaliland Iyo Saxaafada Maxaa Kala Haysta?By: Mohamed Hamud Ali | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Somaliland Iyo Saxaafada Maxaa Kala Haysta?By: Mohamed Hamud Ali
May 1, 2014 - Written by Editor:

su.aalahaas hadaan isku dayo jawaabahooda, wuu jira sharic qabanaya saxaafada laakiin horjoogayaasha saxaafadu ma ogala in sharcigu qabtoMarka hore waxaan salaamayaa dhamaan warbaahinta madaxa banaan ee ka hawl gasha Somaliland noos kasta oo ay ahaataba, intaas ka dib waxaan wax yar oo kooban ka odhanayaa Xayiraadi Wargayska madaxa banaan ee HAATUF.

Hadaan u gunda dego maqaalkaygan, waa su’aale, MIYAANAY JIRIN SHARCI QABANAYA XAD GUDUBKA SAXAAFADA? SE WALI MA LA ARKAY SUXUFI SOMALILAND AH OO KHALDAMAY OO LAYSKU WAAFAQAY KHALADKISA? SOLJA MARNABA RAALI GALIN MAKA BIXISAY KHALADKA KA YIMAADA SAXAAFADA EE AY LEEDAHAY WAAN METELAA?

Su’aalaas hadaan isku dayo jawaabahooda, wuu jira sharic qabanaya saxaafada laakiin horjoogayaasha saxaafadu ma ogala in sharcigu qabto, taas waxaan leeyahay dalku fawdo maaha ee wuxuu leeyahay kala danbayn iyo shuruuc u taala taas oo qofkii ku xad gudba lagu qaadayo wuxuu

mutaysto xitaa sharcigu madaxwaynaha qaranka ayuu qabanayaa, waayo sharcigu maaha mid dad gaara loo samaystay ee waa sharciga lagu hago dalka oo dhan kaas oo loo siman yahay.

Laakiin waxa nasiib darro ah in maanta oo aqoontii dadku sare u kacday in hadana laysku qabsado murano xaga sharciga ama dastuurka ah, taas oo aan u arko in dad dana gaara lihi ay docadocaynaya, maxaa yeelay dhamaanteen waynu khaldami karnaa oo insaan ayaynu nahay, markaa marka suxufigu khaldamo maxaa loo waayay in asxaabtiisu tidhaahdo hebelow waxaas waad ku khaldan tahay ee naga daa. Teeda labaaad marka xukuumado xayiraad soo rogto ayuun baa la qayliyaa e maxaa marka hore laysu sixi waayay, inlayn xukuumadu waa ta u taagan ilaalinta sharciga iyo ku dabaqida sharcigii cidii lasoo eedeeyo.

Waligay maan maqlin manaan arag SOLJA oo leh saxafigaasi meel ayuu kaga dhacay mihnada saxaafadu leedahay, ee mar walba waxay la soo taagan yihiin suxufi hawshiisii shaqo gudanaya ayaa la xidhay oo saxaafadii ayaa la cabudhiyay, taasina maaha wax munaasab ah, maxaa yeelay dhamaan teen reer Somaliland ee dhaqankeena iyo qarankeenaba ku xun waan in meel looga soo wada jeestaa, si bulshadani isugu kalsoonaan karto.

Maaha in SOLJA la taagnaato uun saxaafada waa la cabudhiyaa ee ha eegto waxa saxaafadu ku khaldan tahay iyo waxa lagaga khaldan yahay ee yaanay iska odhan waa sidaas, waxaan leeyahay caqligu ha shaqeeyo oo halaga guuro qof jeclaysiga

COMMENTS
LINKS