Silaanyo Sifo Sharci Daro Ah Ayuu Muse Biixi Iyo Mohamed Kahin 01 June Daaqada Ka Tuurayaa By Abdi Mustafe | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Silaanyo Sifo Sharci Daro Ah Ayuu Muse Biixi Iyo Mohamed Kahin 01 June Daaqada Ka Tuurayaa By Abdi Mustafe
May 29, 2014 - Written by Wariye:

Muse iyo Mohamed Kulmiye ha iska ilaawaan oo ha tashadaan intaan Silaanyo oo sharciga ka talaab sanayaa aannu daaqada ka tuurin.

Warar la hubo ayaa sheegay in Silaanyo ergadii wax walba ka diidey oo uu ku adkeystay in uu Muse iyo Mohamed dibada uuga tuuri doono shirka bisha June kow deeda. Hadaba Muse iyo Mohamed waxa la gudboon in ay is casilaan intaannu Silaanyo u adeegsan awooda madaxtooyada. Markay is casilaana ay ku biraan xisbiga ay doonaan iyaga iyo taageera yaashoodu oo ay ka shaqeeyaan sidii aannu Silaanyo u soo bixi lahayn. Runtii waa la idinka gardaranyey ee waxa la idiin adeeg sanayaa awooda Kursiga madaxweynaha Shicib kuna wuu wada arkaa oo hadhow cid vote siineysaa ma jirto. Is casila intaannu idin bahdilin sidii Mohamed Abdillahi oo intaan warqadii xil ka qaadista la soo gaadh siin warbaahinta uun kaga war

helay in la eryey.

Muse iyo Mohamed Kulmiye ha iska ilaawaan oo ha tashadaan intaan Silaanyo oo sharciga ka talaab sanayaa aannu daaqada ka tuurin.

Silaanyo wuxuu u jeedaa Muse Biixi ma geyo mana dhacayso in xisbi uu isagu sameystay iska sharaxo. Muse iyo ina kahin ba in ay intaa gartaan beri hore ayey ahayd oo aanay Kulmiye waqti iskaga luminin. Nasaiib daro waa taa maantaba uu leeyey labadaba kowda June ayaan xisbiga ka eryayaa. Waanuu sameynaa oo cid kale uuma ogola xisbigiisa. Si kastab Silaanyo ha u fikiro ee waxa idiin eeg inaa taageer taan xisbi kale si aannu isna u kursiga dub uugu fadhiisan idina aannu sidii ciyaala malcaamaha idin eryin oo aanu idinka guuleysan.

Abdi Mustafe

COMMENTS
LINKS