Siilaanyo Iyo Xukuumadiisa : Dad U Eg Ajaanib Aan Dalka U Dhalan. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Siilaanyo Iyo Xukuumadiisa : Dad U Eg Ajaanib Aan Dalka U Dhalan.
May 10, 2014 - Written by Wariye:

Wadaninimadu waa waxa uga qaalisan ee qofka muwaadinka ihi leeyahay ama ku suntanyahay,wuwaadinku waa ka dalkiisa iyo dadkiisa jecel ee u hora naftiisa iyo maalkiisaba hadii loo baahdo,muwaadinka waa ka xaraan in uu ku kaco khaayinimo qaran( Treason),muwaadinka waa ka xaaraan in uu hantida iyo kaydka dalkiisa dhaco ama xado( Xatooyo xoolo dadweyne)muwaadinka waa ka xaaraan in uu  iibiyo ama wareejiyo ciidiisa iyo calankiisa,Muwaadinka waa kaa xaraan in uu dafiro jiritaanka dalkiisa iyo dadkiisa.

Dulucda Qoraalkan gaaban:- Muwaadinow intaasi aan kor ku soo sheegay Siilaanyo iyo xukuumadiisu way baal mareen waxayna ku shaqeeyaan cakiskeeda afcaasha ay ku kacayaan waa dad u eg ajaanib aan dalka u dhalan oo aad moodid in ay maamulayaan wadan ay qariib ama habeen dhax ku yihiin oo ay beriba ka tegayaan ama ka cararayaan,Siilaanyo iyo kooxdiisu waa dad aan u tudhayn  dana ka lahayn qaranimada,madaxbanaanida,wada jirka  iyo jiritaanka somaliland  hoos ka akhri qodobada hoos ku qoran ee cadeynaya arrimaha aan soo sheegay.

1. Siilanyo wuxuu ku kacay khiyaamo qaran(treason)markii wax uu ku sheegay wada hadal la furay dalka somaliya wada hadaladaasi oo ku soo biyo shubtay fadaraal iyo midnimo ,wuxuu khiyaameeyey madaxbanaanidii somaliland iyo jiritaanka qaranka.

2. Siilaanyo iyo kooxdiisu waxay ku kaceen Xatooyo xoolo dadweyne(corruption)waxay xadeen oo meeleysteen hantidii yareyd ee shacabka somaliland lahaa.

3, Waxay gurteen khayraadkii Dalka iyagoo shirkado shisheeye si sharci daro ah u siiyey ama heshiis kula galay in ay gurtaan dhamaan macdanihii kala duwanaa ee ku duugnaa ciida dalka hooyo.

4. Siilaanyo wuxuu ku sifoobey ama yahay keligii taliye(Diktaatoor),wuxuu ku kacay Qabyaalad qaawan,Qaraabokiil iyo Eex hadhkaha goosatay.

5. Wuxuu ku kacay xasuuq uu u geystey caruurtii yaryareyd ee somaliland xiligii doorashadii musuqmaasuqa ahayd ee Dawladaha hoose,wuxuu galay denbiyo ka dhan  ah binuaadamnimada iyo gabood fal.

6. Siilaanyo wuxuu masaxay ama burburiyey Dastuurkii qaranka iyo shuruucdii dalka.

7. Siilaanyo wuxuu burburiyey oo ku tuntay Xoriyatal qawlkii shacabka wuxuuna baabi’iyey oo laalaabay saxaafadii xorta ahayd,wuxuu xidhxidhay oo afka ka tolay suxufiyiintii dalka.

Intaasi iyo in labaatan jibaar ah ayuu ku kacay.

Sidaasi darteed Siilaanyo iyo xukuumadiisu miyeysan u ekeyn dad ajaaniba oo aan dalka u dhalan berina ka carari doona.

Yusuf Abdilahi Janale

COMMENTS
LINKS