|
|||||
WAJAALE NEWS
Shirkada Google Oo Soo Saartay Gaadhi Cusub Oo Iskaxaynaya
May 29, 2014 - Written by Wariye:Hargeysa (Wajaale News):-Shirkada baadhitaanada ee dalkaasi Maraykanka ee lagu magcaabo Google ayaa soo saartay gaadhi cusub oo si Automatic ah isu kaxaynaaya,kaas oo loo adeegsanaayo bottomo u sahlaaya qofka doonaaya inuu ku rawaxo ama kaxaysto inuu si fudud u helo gaadhigaasi. Mid kamid ah aas aaseyaashii shirkadaasi ayaa kaga dhawaaqay shir dhinaca technologyga lagaga hadlaayey oo ka dhacay koonfurta California salaasadii inay shirkadoodu soo saarayso 100 gaadhi oo ah kuwo iyagu iskood isu wada. Gaawadhidan ayuu sheegay masuulkaasi oo lagu magcaabo Sergey Brin inay u sameeyeen badhado laga joojinaayo lagana dhaqaajinaayo gaadhigaasi ,kuwaas oo u fududayn doona dadka wadeyaasha ah inay si fudud u helaan ,ugana nastaan fikirkii badnaa ee ay galaan intay gawaadhidaais wadaan,kuwaas oo keena dhibaato badan,gaadhigan oo jari doona xawaare dhan 40 killometer saacadii. “waxaynu ku arki doonaa gawaadhidan wadooyinka sannadkan inta lagu guddo jiro”.sidaas waxa yidhi Chris Urmson oo ah agaasimaha shirkadaasi qaadatay qandaraaska gawaadhidan lagu samaynaayo. Qalabka technology-ga ah ee lagu samaynaayo laysuguna geynaayo samaynta gawaadhidan ayaa ah kuwo iminka rakibaadooda la dhamaystiray siday sheegeen masuuliyiinta gacanta ku haysa hawshani,kuwaas oo qalab ahaan maraaya tijaabooyinkii ugu dambeeyey,iyada oo la doonaayo inay gaawadhidan is wadaa ku filaadaan isticmaalka wadooyinka dad weynaha qiyaas ahaan 700,000. “sababta aan maanta halkan u imi uguna faraxsanahay in aan hawshan ku dhawaaqaa waa awooda aanu doonayn in aanu ku bedelo caalamka iyo bulshooyinka nagu xeeran”.sidaas waxa yidhi Brin oo hadalkiisa sii watey Waxa uu sheegay masuulkani in baahida ugu badan ee baaburtan yar yar ee iyagu is wada ay tahay muhiimad aan caadi ahayn,gaar ahaana ay u lee yihiin dadka socdaalada badan ,waxa kale oo uu sheegay inay faa’ido ugu jirto dadka ku nool meelaha magaalooyinka ka baxsan ku nool si ay si fudud ugu soo shaqo tagaan. “xaqiiqdii aad ayaanu ugu faraxsanahay in aanu helo gaadhigan yar ,waayo waa shay noo ogolaanaaya in aanu awood technology-yeed ku riixno waxyaalihii aanu gacanta ku qaban jirney siday kaxaynta gaadhiga oo kale,taas oo xataa lagu fahmi karo dhibaatooyinka jira”.ayuu hadalkiisa raaciyey Urmson. Hargaysa Office Related posts:Madaxwayne Kuxigeenka Jsl Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Gaadhay Magaalo Madaxda Gobolka Salel Ee Sayla... DAAWO: Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Oo Deeq Dawo Ah Ku Wareejiyay Cisbitaalka Magaalada Waja... Wasaarada Deegaanka Somaliland oo Ka Gaabsatay Ka Hadalka 8 Hareemo-cad oo Ay Dibeda U Iib Gaynayso COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|