Shir Gudoonkii Shirwanaha Kulmiye Oo Galabta Ku Dhawaaqay Gudiga Fulinta Golaha Dhexe Ee Xisbiga Kulmiye | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shir Gudoonkii Shirwanaha Kulmiye Oo Galabta Ku Dhawaaqay Gudiga Fulinta Golaha Dhexe Ee Xisbiga Kulmiye
May 22, 2014 - Written by Editor:

Hargeisa(Wajaalenews)Shirguddoonka Shirweynihii Xisbiga Kulmiye Ayaa Shir Jaraa’id Oo Ay Galabta Ku Qabteen Hotel Ambassador Waxay Kaga Dhawaaqeen Xubnaha Fulinta Iyo Kuwa Golaha Dhexe Ee Shanta Sano Ee Soo Socda Uu Yeelan Doono Xisbiga Kulmiye.

Xubnaha Shirguddoonka Shirweynihii Kulmiye Oo Uu Hogaaminayey Axmed X Cali Cadami Ayaa Shirkooda Jaraa’id Ku Xaadiriyey Magacyada Afar Iyo Afartanka Xubnood (44) Ee Guddida Fulinta Xisbiga Kulmiye Iyo Saddex Boqol Iyo Afar Iyo Lixdanka Xubnood Ee Golaha Dhexe.

Shirguddoonka Shirweynihii Xisbiga Kulmiye Waxay War Fidiyeenada U Sheegeen In Uu Baaqday Shir Caawa Ka Dhigi Lahaa Qasriga Madaxtooyadda Kaasoo Loogu Talogalay In Lagaga Dhawaaqo Liisaska 44 Ka Xubnood Ee Fulinta Iyo 364-Ka Kale Ee Golaha Dhexe, Waxaanay Ku Sababeeyeen Sababta Baajisay Iyadoo Ay Ka Baxsanayeen Khilaaf In Uu Ka Dhasho.

Xubnaha Shirguddoonku Waxa Ay Sheegeen In Shirweynihii Xisbigu Iyaga Gaar U Siiyey Awooda Ku Dhawaaqista Liisaska Labadan Guddi, Waxaanay Xuseen Iyagoo Ka Duulaya Go’aanka Shirweynaha In Ay Ka Fogeeyaan Go’aankoodan Hogaanka Xisbiga Iyo Xukuumaddaba, Si Ay Meesha Uga Saaraan Tuhunada La Xidhiidha In Cid Gaar Ah Ka Faa’iidaysatay.

Shirguddoonka Shirweynihii Saddexaad Ee Xisbiga Kulmiye Waxa Ay Sheegeen Hawshii Loo Igmaday In Ay Halkaas Ku Dhamaatay Isla Markaana Hay’addaha Kala Duwan Ee Madaxtooyadda, Xisbiga Kulmiye, Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka Iyo Guddida Diiwaangelinta Ururada Siyaasadda Iyo Axsaabta Mid Walba Halkiisa Ku Siin Doonaan Nuqulada Go’aamadii Shirweynaha Xisbiga Kulmiye , Kuwaasoo La Isugu Geeyey Nuqul Dhamaystiran Oo Sharci Ah.

Shirguddoonka Shirweynihii Xisbiga Kulmiye Waxay Ka Soo Jeediyeen Gabagabada Go’aamada Shirweynahooda Qoddobo Guud Oo Talo Qaran Ah, Kuwaas Oo Ay Warbaahinta U Mariyeen Axsaabta Siyaasadda Qaranka, Oo Ay Ka Dalbadeen In La Dhawro Isla Markaana La Ixtiraamo Nidaamka Iyo Xeerarka Dalka U Yaala.

 

Lasoco liiska 44 xubnood goor dhaw isagoo dhmaystiran

 

Wajaalenews.net

Hargeisa/office

c/raxmaan carab daud

COMMENTS
LINKS