Shaxdii KULMIYE Ciyaaray Waxay Ku Dhamaatay Siilaanyo oo Taagan Marti Dharagtay Haday Kii Lahaa Maaalka Kula Doodo Midh Subxaanaliyo Sow Waxaan meesha Qaban Maaha (Kanaan Degay)iyo Muuse Biixi Oo Ku jawaabay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shaxdii KULMIYE Ciyaaray Waxay Ku Dhamaatay Siilaanyo oo Taagan Marti Dharagtay Haday Kii Lahaa Maaalka Kula Doodo Midh Subxaanaliyo Sow Waxaan meesha Qaban Maaha (Kanaan Degay)iyo Muuse Biixi Oo Ku jawaabay
May 9, 2014 - Written by Editor:

Ninbaa arkay laba wadaad oo aad isku dhunkanaya markaasuu yidhi sidaa iskumay dhunkadeene lexojeclaan dhex marin,hadaba marka laga hadlayo arinta xisbiga KULMIYE siilaanyo iyo Muuse Biixi midba dhinac ayuu ka taaganh yahay.

Siilaanyo wuxuu xisbiga KULMIYE u arkaa inta uu nool yahay in uusan jirin nin kale oo iska soo sharixi kara sidoo kalena siilaanyo xisbiga KULMIYE wuxuu u arkaa in dhaqaalihii ku bixi jiray xisbiga ay beeshiisu bixin jirtay iyo dadkii doortay markii uu kursiga madaxweynenimo u tartamaayey in uu codka ka iibsaday oo ay lacag qaateen sidaa daraadeedna aysan abaal u lahayn.

Muuse Biixi isagu aragti taa ka duwan ayuu qabaa oo ah in uu siilaanyo xanbarsanaa mudo ku dhaw 15 sanno,fursadan maanta taaganina ay tahay tii isaga uu xanbaari lahaa iyo in uu xisbigu yahay salaanka lagu fuulo kursiga madaxweynenimada maantana hadii shakhsi ahaan iyo beel ahaanba loo eego uu xaq u leeyahay in uu noqdo musharaxa madqaxweynaha ee xisbiga KULMIYE iyo in uu isagu shakhsi ahaan siilaanyo uu uga fadhiyo abaalkii uu galay mid la mid ah iyo in la ixtiraamo oo sidiisa loo fuliyo heshikii hore u dhex maray beelaha ay ka soo kala jeedaan siilaanyo iyo Muuse biixi oo hore u wada galay hagbad uu heshiiskeedu ahaa in gacanta hore ama shanta sanno ee hore uu siilaanyo kursiga u fadhiyo gacanta danbe ama shanta sanno ee danbana hagbadda ama musharaxnimada xisbiga uu qaato Muuse Biixi .

Waxaase muuqata markii uu siilaanyo qaatay gacantii hore ee hagbadda isagoo haysta hantidii umadda hadane uu doonayo in uu ka baxo hagbadii heshiiska lagu ahaa ,haadbayna u adag tahay arinat KULMIYE waayo Muuse Biixi ma hayo wax uu beeshiisa ku qancin karo oo aan ka ahayn fulinta wixii heshiiska lagu ahaa ,sidoo kalena siilaanyo beeshiisa kuma qancin karo in xisbigii ay ku xisaabtamayeen ee KULMIYE uu musharax madaxweyne ka yahay Muuse Biixi markaa labadan masuulba waxaa haysta culeys weyn oo kaga imanaya beelaha ay ka soo wada jeedaan waxayna noqdeen hashii laba midigluhu dhan gadeeyey ee la yihi dhana uga fayooba.

Dhaqanka soomaalidu leedahay xaajo kasta oo adkaata waxaa lagu fur furi jiray habsuugaaneed inta badana ciyaarta shaxda marka la ciyaarayo ayaa dood habsuugaaneed ku dhisan la is weydaarsan jiray ,arimaha intooda badana halkaasi aya lagu dhameyn jiray,maah maah soomaaliyeedbaa jirta oo tidhaahda rag waxaan naftiisa ahaynba maaree , qof xanuusanaya in la daaweeyaa waxay suurto gal tahay marka la garto xanuunka haya qofkaasi , wax qarsoona maaha halka uu ka yimid Eelka ay isku hayaan siilaanyo iyo Muuse Biixi.

Hadaba akhristow bal waxaad saadaalisaa hadii siilaanyo iyo Muuse Biixi ay  ku noqdaan dhaqankii soomalida oo ay shax wada ciyaaraan iyadoo aynu og nahay mid walba waxa maskaxdiisa ku jira ,ciyaarta shaxduna suugaan kama maaranto ,siilaanyo marka uu isku arkaayo Mulkilihii xisbiga KULMIYE Muuse Biixina u arkaayo in uu ka mid yahay dadka martida ah ee xisbiga ku jira ee uu sida wanaagsana uu u marti galieyey ,miyaanu marka uu shaxda dhigaayo madaxweyne siilaanyo aanu yihaahdeen Marti dharagtay Haday kii lahaa Maalka kula Doodo Midh Subxaanaliyo Sow Waxaan Meesha Qaban Maaha kanaan degay.

Jawaab celinta Muuse Biixna miyeysan u muuqan nin isku arkaaya ama tirsanaaya abaal hore oo uu qudh iyo qabiilaba u galay sidii uu siilanyo u noqon lahaa madaxweyanaha somaliland ,abaalkiisiina uu noqday in uu siilaanyo ugu jawaabo ilaa sida gafanaha aan ka soo go’o kursiga ha soo eegin oo ha igu dhadharsanin ,sidaa daraadeedna jawaab celinta Muuse Biixina miyanay u eekayn sidan .

Masow aabahay iyo waxaan magan ka soo gaadhay

rag waxaan ku maamuli aqaan ama ku maamuusi

Mase inaanu nahay ooy tolnimo meerto noo tahay

Masalaha ninkaan ii dhigayn midig ma saaraayo

Ninkii aniga iga maarmi kara uma muraad yeesho

Oon weliba kaga miil caday midhse diidani

In aan malab rag kale loo shushubi wax uga miideeyo

Aanan fartana muudsaneyn meeshana aan joogo

Saddex magac allee xaajadaa la ima maransiiyo

Madaxweyne siilaanyo adiga iyo wasiiradaaduba miyir waxaad ku weydaan

Is waal kuma mihiibtaan

.

Hadaba waxa wax lala yaabo ah madaxweynaha maanta doonaya musharaxnimada oo awoodi kari waayey in uu afkiisa ka sheego in uu yahay musharax madaxweyne  oo uu u soo dhiibay wasiirka warfaafinta C/laahi Cukuse,arintaasina waxay daliil u tahay in talada dalku aysan isagaba ka gu’in ee dadka ay maamulaan ,somalilandna dib looguma celin karo khatartii shanta sano ahayd ee uu ilahay ka badbaadiyey ,dhinaca kale hadii aynu iska taagno siilaanyo maalintii uu la wareegayey xilkii wasiirka qorsheynta ee uu u magacaabay  Maxamed Siyaad barre 1969-KII siilaanyo wuxuu sheegay in ay da’diisu ahayd 45 shan iyo  afartan jir sidoo kalena markii loo doortay gudoomiyihii SNM  1984-kii xafladii uu xilka kula wareegeyey wuxuu ku sheegay in uu yahay ruugcadaa siyaasadeed oo 60 jir ah , oo taladu aysan seegaynin ,taa macnaheedu waxaa weeyaan in doorashada somaliland ka dhici doonta sanadka danbe ee 2015-ka siilaanyo ay da’diisu ay tahay 91 jir.

Hadaba isku soo wada duuboo Shaxdii KULMIYE Ciyaaray Waxay Ku Dhamaatay Siilaanyo oo Taagan Marti Dharagtay Haday Kii Lahaa Maaalka Kula Doodo Midh Subxaanaliyo Sow Waxaan meesha Qaban Maaha (Kanaan Degay)iyo Muuse Biixi Oo Ku jawaabay..

Qalinkii: C/risaaq Suudi Nuur

Email:suudi88@gmmail.com

Hargeysa/Somaliland

COMMENTS
LINKS