Sannadkii 2013 Oo Noqday Ka Ugu Aroosyo Qaalisan Maraykanka (Darasad Laga Sameeyay). | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Sannadkii 2013 Oo Noqday Ka Ugu Aroosyo Qaalisan Maraykanka (Darasad Laga Sameeyay).
May 29, 2014 - Written by Wariye:

AroosHargeysa (Wajaale News):-Daraasad cusub oo ay dhowaan soo saareen koox khubaro ah ayaa lagu sheegay inay aad u badnaayeen aroosyada ku kacay kharash aad u badan ,iyaga oo soo saaray qiimaha kala duwan ee uu ku kacaay mid waliba ,kuwaas oo ugu badnaan ka dhacay dalkaasi Maraykanka.

Arooska markii hore ugu lacagta badnaa ayaa lagu sheegay inuu qiime ahaan ku kacay $592 million oo dollar ka dalkaasi Maraykanka ah ,iyada oo uu markii dambena ka daba yimid mid kale oo aad uga qaalisan ,kaas oo ay ku baxday lacag dhan $618 million oo dollar ,kaas oo ay ku sheegeen inuu noqonaayo mid aad u qaaliya marka sannadkaasi aroosyada dalkaasi ka dhacay loo eego.

Aroosyadan ayaa la sheegay inay kharash ahaan ka badan yihiin sannadkaasi 2013 kii 10% kuwii dalkaasi ka dhacay ee ugu qaalisanaa sannadkii 2012 kii oo ahaa kuwa ugu qaalisnaa sannadihii lasoo maray ,waxaanay gaadheen xadiga ay ka badan yihiin 75%,waana celceliska marka laysu geeyo sannadihii 1990 kii ilaa 2010 kii aroosyadii dhacay.

“waxa kor u kacay kaadhadhka la dalbanaayo sannadkaasi 213 ka ee ina dhaafay,waayo waxa dhacay aroosyo aad u badan ,waana kuwo laga yaabo in ay xataa sannadkan ay ka badan karaan kuwaasi hore u dhacay,inkasta oo aan la saadaalin Karin,waana mid layskaga raaxaysto marka la doonaayo in qoysas la dhiso,waana waxyaalaha aanu iminka aadka uga shaqayno,laakin sannadkaasi 2013 ka ee dhamaaday waxaanu ahayn kuwo aad u mashquul badnaa”.sidaas waxa yidhi David Rabkin oo ah madaxweyne ku xigeenka shirkada AmEx.

Sannadkaasi 2013 kii ayaa lagu sheegay in celcelis ahaan aroosyada dhacay ay ahaayeen kuwo aad u badan ,gaar ahaana marka laysu geeyo,waxaanay gaadhey  $29,858  dollar ka Maraykanka ah,kuwaas oo qaarkood ay yihiin kuwo kazoo hadhay sannadkii 2012 kii sida lagu sheegay warbixin lagu qoray TheKnot.com

“Aroosyadan ayaa ah kuwo qaali ah ,kuwaas oo ay ku baxdo lacag aad u badani ,sida ay dad badani noo sheegeen,sidoo kalena waxaanu helay tigidho badan oo ah kuwa lagu goostay kaadhadhka aroosyada lagu samaynaayo laguna gelaayo ,waana kuwo qiimo ahaan kor u kacay siday noo sheegeen masuuliyiinta AmEx oo ah shirkada ka ganacsatada arrimahan”sidaas waxa yidhi Leslie Weekes

Waxa jira toddoba aroos oo ay sheegeen kooxdaasi inay ahaayeen kuwii ugu qaalisanaa sannadkaasi 2013 ka ,kuwaas oo ay doonayaan siday sheegeen inay qoraal dhamaystiran kusoo saaraan dhowaan .

Hargaysa Office
Wajaale News
Email:habane00@gmail.com
Wariye:Abdiqadir Abdirahman Habane

COMMENTS
LINKS