Saddex Qof Oo Kamida Shaqaalaha Shirkada Isgaadhsiinta Ee Somtel Oo Goor Dhawayd Geeriyooday | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Saddex Qof Oo Kamida Shaqaalaha Shirkada Isgaadhsiinta Ee Somtel Oo Goor Dhawayd Geeriyooday
May 12, 2014 - Written by Editor:

Gudoomiyaha Shirkadda Somtel Mudane Jaamac Xaaji Maxamoud Cigaal waxa uu Tacsi Tiiraanyo leh u diyaraa Dhamaan Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Guud ahaanba Shaqaalaha Somtel Ee Ay ka baxeen Marxuumiinta

Hargaysa(Wajaalenews) Sadex kamida shaqaalaha shirkada Somtel ayaa goor dhawaayd ku geeriyooday deegaanka Xabaalo Tumaalo oo udhaw magaalada Berbera.

Dhimashadan ayaa timid kabacdi markii shaqaalahan geeriyooday uu lasoo dhacay taawar ay samay nayeen.

Magacyada dadka geeriyooday ayaa kala ah :

1.      Marxuum Deeq Siciid Cismaan

2.      Marxuum Cabdiraxiin Maxamed Kaarshe

3.      Marxuum Axmed Nuur Cali

Sida uu ku sheegay gudoomiyaha shirkada Somtel  Mudane Jaamac Xaaji Maxamuud Cigaal dhambaal tacsi ah oo goor dhawayd uu usoo diray xafiiska waraka ee shabaka Hadhwanaagnews.

Dhinaca kale gudoomiyaha shirkada Somtel  Mudane Jaamac Xaaji Maxamuud Cigaal ayaa tacsi udiray eheladii iyo qaraabadii ay kabaxeen sadexdaa  marxuum tacsida gudoomiyuhana waxay uqornayd sidan:

 

 

Tacsi Shirkadda Sometl Iyo Guud Ahaanba Dahab-Shiil Group

In-Naa Lillaahi Wa In-Naa Ilayhi Raajicuun

Gudoomiyaha Shirkadda Somtel Mudane Jaamac Xaaji Maxamoud Cigaal  waxa uu Tacsi Tiiraanyo leh u diyaraa Dhamaan Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Guud ahaanba Shaqaalaha Somtel Ee Ay ka baxeen Marxuumiinta Kala ah:-

1.      Marxuum Deeq Siciid Cismaan

2.      Marxuum Cabdiraxiin Maxamed Kaarshe

3.      Marxuum Axmed Nuur Cali

Oo ku Geeriyooday Shil-Taawar Oo ka dhacay Deegaan-ka Xabaalo Tumaalo Oo u dhaw Magaalada Berbera, Innaali laahi wa innaa ilahayhi raajicuun.

Gudoomiyuhu waxa uu ilaahay uga baryayaa Marxuumiintaas Inuu Jannatul fardawsa Ka waraabiyo dhamaan Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Guud ahan Shaqaalaha Somtel Ee ay ka baxeena Samir iyo Iimaan Saadiq ah ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

COMMENTS
LINKS