Roobab Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac Oo Manta Ilaa Xalay Ka Da,Ayey Magaalada Muqdisho Iyo Nawaaxigeeda | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Roobab Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac Oo Manta Ilaa Xalay Ka Da,Ayey Magaalada Muqdisho Iyo Nawaaxigeeda
May 6, 2014 - Written by Editor:

Muqdisho(Wajaalenews)Inta la xaqiijiyay labo caruur ah ayaa geeriyootay hooyadoodna dhaawac ayaa kasoo gaaray kadib markii uu saakay aroor hore uu kusoo dumay guri dabaq ah oo dhinacooda ku yaalay.

Goob jooge kusugan halka uu shilku ka dhacay ayaa sheegay in dabaqa soo dumay uu ahaa mid uusan dhismihiisu wanaagsaneyn , waxa uuna intaa raaciyay in uu ku dumay cid dariskooda oo jiingad dagneed ayna ku dhinteen labo caruur ah.

Soo dumitaanka dabaqa ayaa loo sababeeyay roob xalay ilaa saakay aroor hore ka da’ayay Magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda , roobka da’ayay waxaa ku diirsaday dadka iyo duunyada inkastoo ay jiraan dad iyagana waxyeelo kasoo gaartay oo guryahooda oo cooshad ka sameesay biyaha roobku ugu galeen.

Wadooyinka Magaalada Muqdisho qaarkood waxaa saakay fadhiya biyo uu dhigay roobkii xalay iyo saakay aroor hore da’ayay , waxaa shacabka Muqdisho tilmaameen in xili roobku uu kusoo aaday xili la dhisay qaar kamid ah laamiyada Muhiimka ah ee Muqdisho .

 

Wajaalenews.Net

Hargeisa/Office

 

COMMENTS
LINKS