Qaramada Midoobay Oo Walaac Ka Muujisay Qorshaha Shidaal baadhista Goboladda Bari ee Somaliland | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qaramada Midoobay Oo Walaac Ka Muujisay Qorshaha Shidaal baadhista Goboladda Bari ee Somaliland
May 31, 2014 - Written by Editor:

New York, (Wajaalenews) — Khuburo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa ka digay qorshe ay Somaliland ku diyaarinayso ciidamo gaar ah oo loogu tala-galay in ay sugaan amniga shaqaale ajnabi ah, kuwaasoo shidaal ka baadhi doona gobollada lagu muran-sanyahay ee Somaliland la wadaago Puntland.

Waraaq uu 27-dii bishan diray Jarat Chopra oo madax ka ah guddiga cunno-qabateynta hubka ee  saaran Soomaaliya iyo Eritrea ayaa walaac looga muujiyay qorshahan oo dhibaato iyo xasiloonni darro ku keeni kara amiga geeska Afrika sida lagu xusay  .

“In ciidamo noocaas ah la geeyo goobahaas waxa ay kor u qaadi kartaa khilaafyada gudaha iyo kuwa dibaddaba waliba hadii aan arintan si gaar ah taxadar looga muujin “ayuu ku yidhi waraaqdan oo loo diray xubnaha ugu sareeya ee Qaramada Midoobay.

Sidoo kale, nuqul kamid ah waraaqdan  oo ay heshay Wakaalada Wararka ee  Reuters ayaa si gaar ah uga hadashay xiisadaha  ka dhalan kara in shirkado ajaanib ah ay gobolka iska soo galaan iyaga oo oglaansho ka helaya Xukuumadda Somaliland, waxaana  Somaliland culayska ugu badan ee  arintan ay kala kulmayaan dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Xukuumadda Somaliland ayaa mar horeba sii qorsheeyay soo xulidda ciidammo gaadhaya 420-askari muddo afar bilood gudaheed ah ,kuwaasi oo  tababaro kala duwan haysta si ay u ilaaliyaan shaqaalaha shirkadaha Ajaanibta ah.

Ugu danbayntii golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Soomaaliya ku soo rogay cuna-qabtayn dhinaca hubka ah ka dib markii ay dhacday dowladdii dhexe ee dalka maamulaysay ,waxaana intaa ka dib la sameeyay guddiyo dhowr ah oo UN-ka hoos-taga si ay u kormeeraan cuna-qabataynta Soomaaliya saaran  oo ay ku jirto Somaliland.

 

Wajaalenews desk

email’wajalenews@gmail.com

 

COMMENTS
LINKS