Qalooca Cirro Iyo Waddani W/Q Khadar Ibrahim | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qalooca Cirro Iyo Waddani W/Q Khadar Ibrahim
May 29, 2014 - Written by Wariye:
  1. Gudoomiye cirro wuxuu ku maqna safer dheer oo runti aha mid nabaro fara badan soo gaadhayn, khaastan aqoonsigii sheefiled

     
     

    Waxaan salaamayabahda saaxafada ee qalbiga iyo maskaxda ka xoorta ah , waxaana salaamayamuwadiniinta Somaliland.

     

     

    Bulshoweyntu marka ay dooranyso shakhsi waxay ku doorata waxqabad u qabtay umadda, midna way jirta oo ah hab qabyaaladnimo !!, laakin badana bulshweyntu way ka gudobtay habka labaad ee qabyaladda ,wuxuuna maanta ku xiisabtamaan musharaxo muxu qaranka u qabatay? Umaddi soo dooratayna balan qadyadiisi muxuu ka ofiyay oo bulshadi ku xasuusan karan? Hadaba qof damac siyaasadeed leh waxyaabahaas ayuu ku fakera, mawdoocayna waa damaca cabdiraxmaan cirro ku salaysan doorashadda madaxnimada dalka 2015 !!, iyadoo falaqaynayna waxqabadkiisa iyo hab u socodka xisbigiisa Waddani .

     

    Sida aano wada ogsoon

    nahay in cirro loo doortay gudoomiye barlamaan 2005 isago sita sifadaas ayuu 2011 dhamaadkii asaasay Waddani isago damac ku laha xisbigi Ucid, ka dibna labadaas jago ayuu aayahiisa u adeegsanayay , hadaba hab u socodka barlamaanka waa mid aan anigo kaliya maahe dadkuba u arkan inuu ywhwy mid daciif ah, wadankuna ma xamili karo inuu hab u socodkaas oo kale inuu soo gaadho maamulka madaxnimadda dalka , hadii u noqono naa xisbigiisa waa mid maanta maraya meeshe ugu hoosaysay oo taageeryaal fara badan ka yaacayn, oo noqdo xisbi u xidhan shakhsi gaadh ah , waana diktitornimo dalka iyo shicibkuna ma dooran doonaan hab maamuleedkaas !!.

     

     

    Gudoomiye cirro wuxuu ku maqna safer dheer oo runti aha mid nabaro fara badan soo gaadhayn, khaastan aqoonsigii sheefiled oo ka qayb gali waayay iyo kulan bulshadda Somaliland ku sugan sheefiled oo isu badalay sida warbahiinto sheegtay mid cirro logu foodh foodhinayay diidmo awgeed !!, marka waxa ka muuqatay protocoolka gudoomiyaha khal khal weyn oo hoos u riday shacbiyadiisa dhanka bulshadda Somaliland ee yurub.

     

    Haykalka maamuleed ee xisbiga Waddani naa hadi dib u falaqayno sidu maanta u socdo maaha mid ku guulaysan kara doorashadda Somaliland ee ku food haysa 2015 ta madaxnimadda iyo ta barlamaankaba, ugu horayn gud. Ku xigeenka xisbiga axmed seed oo aha nin shaashada un wax ka dhalila iyadoo habki mucaaridnimo ee inyar ka baxsan tahay wuxu ku noqday xisbigiisa nuqsan mooyaane wax kale kumu soo kordhin, xoghayaha xisbiga uurcade mabu muuqan baa oo wuxuu dhaafi kari waayay kartida mucaaridnimada xoghaya ucid !!, afhayeenka buubaa oo mar walba wax iskaga hadla isagoo kursigii xildhibaanimo oo wax yar u hadhsan tahay !! , Mr. rashiid oo logu qoslay marku yidhi maaha sharci musharaxnimada madaxweyne silaanyo??!!, sharciga u diidaya waa kee ,dadkii ka mas’uul aha xisbigan mee talow?? waxan waa ceeb in logu hadlo, marka la xisaabtankii xisbiga aya ka maqan xisbigan, waana dhib haysata maamulka guud.

     

     

    Hadaba ma saas ayuu cirro doorasho ku gali kara ?? ma saas ayuu Waddani kuraas barlamaan ku heli lahaa ?? ila maaha inuu waddani kasban karo wax isagoo sidaas ah, waxana ila tahay inuu doorashooyinka waliba ta barlamaanka ku dhici doono, cirro naa oo ku guul daraysanayo ta madaxtinimadda iyo soo ban dhigi doona waxqabadyada musharaxiinta iyo waxqabad la’aan toodaba maqaalada danbe.

     

    Saadaashu waa khayr khayr khayr !!

     

    W/Q Khadar Ibrahim A

     

    Khadar338@hotmail.com

COMMENTS
LINKS