Nuxurka Arrimo Xasaasi Ah Oo Lagaga Wada-hadlay Shirkii Wasiirada Ee Shalay+Dhibaatooyin Ilaa SNM Taxnaa Oo Siilaanyo Ka Tirsaday Muuse Biixi Iyo Markhti Furkii Abiib Timacad. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Nuxurka Arrimo Xasaasi Ah Oo Lagaga Wada-hadlay Shirkii Wasiirada Ee Shalay+Dhibaatooyin Ilaa SNM Taxnaa Oo Siilaanyo Ka Tirsaday Muuse Biixi Iyo Markhti Furkii Abiib Timacad.
May 30, 2014 - Written by Wariye:

muuse iyo siraanyoHargeysa(Wajaale News):-Madaxtooyada Somaliland oo adeegsanaysa dhaqaale iyo masuuliyiinta shaqaalaha dawladda oo koox wasiirro ah hor boodayaan, ayaa dagaal lagula jiro Guddoomiyaha  KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi barbar wada dedaalka dhexdhexaadinta ah ee ergada guurtida ah ku doonayso in lagu soo afjaro khilaafka u dhexeeya madaxweyne Siilaanyo iyo hoggaanka sare ee  KULMIYE.
Ilo-wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa Jamhuuriya u sheegay xalay in Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo hadal ka jeediyey Shirkii Golaha Wasiirrada oo xarunta madaxtooyada ka dhacay shalay, waxa uu xubnaha golihiisa wasiirrada ku guubaabiyey in aanay kooxo kala noqon, kana shaqeeyaan sidii taageero loogu muujin lahaa murrashaxnimadiisa iyo dagaalka siyaasadeed ee uu kaga soo horjeedo Guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi.
Waxa madaxweynuhu xubnaha Golaha Wasiirrada ku wargeliyey in la gaadhay xilligii ay Muuse Biixi kala callaf-qaadi lahaayeen, isla markaana sharciga iyo xeerarka dalka u yaal lagu kala bixi doono, waxaannu wasiirrada uga sheekeeyey taariikh dheer iyo mawjado dhibaatooyin ah oo ay isla soo mareen Guddoomiye Muuse Biixi ilaa muddadii lagu jiray halgankii dib-u-xoraynta Somaliland ee ururkii SNM hormuudka ka ahaa, isagoo madaxweyne Siilaanyo sida la sheegay xasuusiyey Golaha Wasiirrada in ilaa xilligaas Muuse Biixi dhibaato iyo hagardaamo la daba taagnaa Axmed Siilaanyo ahaan, balse aanay dhibkaasi intaas in ka badan sii socon karin, lana gaadhay waqtigii isaga iyo Muuse kala hadhi lahaayeen.
Sida ilo-wareedyadu tibaaxeen, Wasiirka Warshadaha Md. Abiib Diiriye Nuur oo isna hadal ka jeediyey shirka wasiirradu yeesheen, ayaa sheegay in madaxweyne Siilaanyo iyo Muuse Biixi xafiiltan dheerri ka dhexeeyey ilaa xilligii SNM dagaalka kula jirtay taliskii Siyaad Barre, madaxweynahana ku taageersan yahay in la gaadhay waqtigii uu iska reebi lahaa Muuse Biixi, isagoo halkaas ka sheegay inuu shaqsi ahaan markhaati iyo xogogaal u yahay dhibaatooyin iyo hagardaamo Guddoomiye Muuse ku hayey madaxweyne Siilaanyo muddo aad u dheer.
Waxa kale oo xogaha Jamhuuriya helay sheegeen in Wasiirka Nabadaynta Gobolada Bari Md. Cali Maxamuud Axmed (Cali Sandule) oo isna shirka wasiirrada ka hadlay, ayaa soo jeediyey hadal lid ku ah weedhaha Wasiirka Warshadduhu ku tiraabay, isagoo Cali Sandule ku dooday khilaafka jira waanwaan lagu dhameeyo, lagana shaqeeyo sidii isku duubni loogu gudan lahaa hawlaha qaranka.
Wasiirka Gaashaandhigga Md. Axmed Xaaji Cali Cadami, ayaa isna sida la weriyey halkaas kaga tiraabay inay wasiirro ahaan madaxweynaha ku taageersan yihiin musharaxnimadiisa, kana shaqayn doonaan sidii arrintaasi u hirgeli lahayd, balse, waxa uu shirka ka sheegay inay jiraan wasiirro iyo masuuliyiin faras dheeraynaya saaran, kuna hawlan arrimo aan loo dirsan, isagoo soo jeediyey in la isla jaanqaado, masuuliyiinta dheeraynayaana socodkooda agaabiyaan, kuwa luudayaana cagta dedejiyeen, meel dhexe oo murrashaxnimada madaxweynaha lagu dhisayana la isugu yimaad, iyadoo oo dhammaanba xubnaha Golaha Wasiirradu taageero u muujiyeen hadalka madaxweynuhu ku sheegay inay sharciga ku kala baxaan, isla markaana si kama dambaysa ah xilligan u kala calafqaadaan isaga iyo Muuse Biixi Cabdi.
Dhinaca kale, sida ilo-wareedyo kala duwan u xaqiijiyeen Jamhuuriya xalay, madaxweyne Siilaanyo, ayaa tiraba dhawr jeer ku gacan saydhay ergadda dhexdhexaadinta ah ee guddida Golaha Guurtida ahi, isagoo ka gaws adaygay in wax waanwaan iyo isu tanaasul ah lagu afjaro khilaafka taagan, waxaannu xubnaha ergada ah u sheegay inuu door bidayo sidii isaga iyo Muuse Biixi sharciga ugu kala bixi lahaayeen.
Hasayeeshee, Guddoomiyaha Guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa hadana go’aansaday inuu mar kale kelidii la kulmo madaxweyne Siilaanyo si uu u ogaado mawqifkiisa u dambeeya ee la xidhiidha khilaafka murrashaxnimada madaxweynaha ee xisbiga KULMIYE dhexdiisa, iyadoo la sheegay in kulankaas loo ballansanaa xalay, balse, weli wax xog ah lagama helin in kulankaasi qabsoomay iyo natiijada ka soo baxday.
Saraakiil sare oo madaxtooyada Somaliland ka tirsan oo Jamhuuriya khadka telefoonka kula xidhiidhay xalay si arrimahan wax looga weydiiyo, ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan, isla markaana xaqiijiyaan ama beeniyaan waxyaabaha lagaga hadlay shirkii Golaha Wasiirrada ee shalay iyo sidoo kale in madaxweyne Siilaanyo ku gacansaydhay ergada dhexdhexaadinta ee ay ku hawlan yihiin Golaha Guurtida.
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa isna markii u horaysay si rasmi ah u qiray shalay in madaxtooyada iyo xukuumaddu dagaal cad kula jiraan hankiisa siyaasadeed iyo murrashaxnimadiisa, isla markaana lacag iyo xilal lagu baayacayo dadka taageerayaashiisa ah.
“Waxaan ogahay in xukuumaddu u tafo-xaydatay oo lacag lagu baayacayey oo xil lag baayacayey oo hudheellada la gaynaayey oo la gacmo-maroojinayey, waxaasina waa wax laga xishoodaa, qof is casilaya isagay jirtaa intii ka badnaydba way joogtaa, kama qabo kalsooni-darro, laakiin waxaan u arkaa uun wax laga xishoodo inay ku kacday xukuumaddu weliba madaxtooyadu ay ka badheedhay arrintan,” ayuu yidhi Md. Muuse Biixi Cabdi oo VOA-da u warramay shalay.
Waxa si cad u muuqda dagaal-siyaasadeed ka dhan ah Guddoomiyaha KULMIYE iyo xubno ka mid ah hoggaanka sare ee xisbiga oo guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ku jiro oo madaxtooyadu barbar wado dedaalka dhexdhexaadinta ah ee ergada guurtidu ku doonayso inay ku afjaraan khilaafka u dhexeeya madaxweyne Siilaanyo iyo Muuse Biixi, iyadoo hawlaha dhexdhexaadintuna xilligan u muuqdaan qaar soo afjarmaya, taasoo soo dedejin karta in khilaafkaasi u gudbo dhinaca sharciga iyo hay’adaha garsoorka ee dalka.
 
Xigasho:Jamhuuriya
Wajaale News
Hargaysa Office

COMMENTS
LINKS