Muuse Biixi Maxamed Kaahin Iyo Jaamac Shabeel Waxaan Leeyahay Adkaysta Halkii Ina C/Qaadir Dhigteen Baad Maraysaane!. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Muuse Biixi Maxamed Kaahin Iyo Jaamac Shabeel Waxaan Leeyahay Adkaysta Halkii Ina C/Qaadir Dhigteen Baad Maraysaane!.
May 30, 2014 - Written by Wariye:

waxa layidhi labadii xaqdaro ku heshiisa xaqay ku colowdaa! dadku hadii aanu sharciga u yaal ku lala bixin oo qofkasta lagu ilaalin sharciga jira waxa dhacda in qof kastaa waayo xaqa iyo xuquuda muwaadin ee uu leeyahay oo ay noqoto kii roonow reerka u hadh!, shaly ayuun bay ahayd markii jaamac shabeel shirweynihii xisbiga kulmiye inta uu is dhextaagay isaga oo ah mikrafoon laga dhex hadlayo oo xukuumada siilaanyo soo adeegsatay uu yidhi waxaan anshax marinayaa mudane c/raxmaan c/qaadir oo markaas ahaa gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga oo lagu haystay maxaad uga hadlaysaa musuq maasuqa xukuumadu faraha kula jirto iyo inuu dhaliilay siday xukuumadu ugu tumatay xeerkii xisbiga kulmiye ee looga talaabsaday oo aan lagu dhaqmin!,
 
muuse biixi

oo markaasna ahaa gudoomiyaha xisbiga iyo maxamed kaahin labaduba waa fadhiyeen goobta odayga lagu jiid jiidayay midna muu odhan waar odaygu rayigiisa ayuun buu cabiree sidan yaan loola dhaqmin qaxna wuu u leeyahay inuu rayigiisa cabiro oo waa xuquuq dastuuriya xisbigana hadii dadka la cabudhiyo waxa uu ka baxayaa dimuqraadiyadii u taalay, maxamed kaahin ayaa xoogay yar sii daba cararay odayga ina c/qaadir markii daaqada laga saarayay waxaanay ka ahayd qowda maqashii waxna haw qaban!,
 
waxay noqdeen sadex dii dibi ee midna cadaa mida madoobaa mida casaa ee libaaxu intuu marba mid la faqay ku yidhi kaas aynu isdhaafino midabkiisa ayaa laynoo soo raacayaaye! ee siduu marba mid u cunaayay kii ugu danbeeyay is gartay ee yidhi ana iska kay cun horaan u dhintay markaan ogolaaday in la cuno saaxiibaday!,
 
muuse biixi iyo maxamed kaahin ugu yaraan toban xubnood oo miisaan siyaasadeed lahaa oo madaxweyne siilaanyo xisbiga debeda ka dhigay markuu arkay inay damac siyaasadeed leeyihiin oo aanay ahayn rag wax loo yeedhiyo ayay mid walba goobjoog u ahaayeen meeshii loogu soo tashanaayay iyo waqtigii xisbiga laga saarayay waxaana ragas ka mid ahaa 1- c/raxmaan tolwaa, 2-ibraahim dhegaweyne 3- mujaahid xasan guure 4- c/raxmaan c/qaadir IWM,
 
ina c/qaadir maanta waxa uu ku qaadayaa heestii ahayd,
 
adiguba dharaaraad ka qoslaysay dhooshoo
dhibta laysku eegana way inoo dhaxaysee
amba dhadhanshay qadhaadhkee
waa inaad dhadhamisaa!,
 
waxaan leeyahay odayaashan maanta naflacaaridka ah wax idinla gudboon calool adayg  sharciga aad sheegaysaana horaad u diideen in lagu dhamo oo xisbigu ku kala baxo maalintaas ayaad ogolaan lahaydeen in xisbigu sharci leeyahay oo aan cidna xoog iyo awood dawoladeed lagu muquuqin! madaxweyne siilaanyo waa kaad nin kasta hore ugu soo dhufaanteen oo xiniinyaha uga saarteen idunkuna maanta ayaa ilkaha iyo cidiyaha laydinka gurayaaye calool adayg la kaalaya!,
 
aadan axmed nuur

COMMENTS
LINKS