Mudane Ka Tirsan Baarlamaanka Finland Oo Baarlamaankiisa U Gudbiyay Mooshin Uu Ku Dalabanayo Aqoonsiga Qaddiyadda Somaliland. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Mudane Ka Tirsan Baarlamaanka Finland Oo Baarlamaankiisa U Gudbiyay Mooshin Uu Ku Dalabanayo Aqoonsiga Qaddiyadda Somaliland.
May 17, 2014 - Written by Wariye:

Helsink(Wajaale News)-Xildhibaan Aino-Kaisra PEKONEN, oo ah mudane ka tirsan Baarlamaanka Finland, ayaa Baarlamaankiisa u gudbiyay mooshin uu ku dalbanayo in la aqoonsado Somaliland.

Xildhibaanka ayaa khamiistii doraad, wuxuu Baarlamaanka u gudbiyay mooshinkaas oo uu ku faahfaahiyay xaqa ay Somaliland u leedahay in la aqoonsado, waxaanu xildhibaanku ka soo jeedaa xisbiga Vasemmistoliito.

Xilddhibaanka oo hore ula kulmay guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland ahna guddoomiyaha xisbiga Waddani Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, isagoo guddoomiye Cirro xildhibaanka ka codsaday inuu u h awlgalo sidii loo aqoonsan lahaa Somaliland.

Haddii Mooshinkan la ansixiyo, waxa ay dawladda Finland kaga jawaabi doontaa muddo saddex toddobaad ah, sida uu sharcigu dhigayo.

Talaabadan ayaa noqon doonta guul Somaliland u soo hoyatay, waxaanu Baarlamaanka Finland noqon doonaa Baarlamaankii u horeeyay ee aqoonsada Jamhuuriyadda Somaliland

Wajaale News
Hargaysa Office
Email:habane00@gmail.com
Wariye;Abdiqadir Abdirahman Habane

COMMENTS
LINKS