|
|||||
WAJAALE NEWS
Moranka Xusbiga Kulmiye iyo Xukuumadiisu Waxay Muujinaysaa Tala xumada Madaxwayne Siilaanyo;FAALO
May 23, 2014 - Written by Editor:HARGEISA(Wajaalenews);Waxa ilaa xalay dib u soo cusboonaaday morankii xusbiga talada dalka haya iyo xukuumadii uu dhalay kaasi oo dabada usoo baxay markii sedexaad mudo 4bilood kudahoodaDib u curashada moranada siyaasadeed ee xusbiga iyo xukuumadiisa ayaa ah mid bulshada somaliland ku beeray shiki iyo walwal kusaabsan rajada laga qabi karo in dalka somaliland oo is haysta lagu soo gaadhi doono doorasha xilka lagagala wareego xukuumadan siilaanyo oo ku fashilan tahay xalinta xurgufta ka dhaxaysa xusbigiisa iyo xukuumada uu hogaamiyo .Madaxwayne siilaanyo ayaa marwalba ka gaabsada khilaafka u dhexeya golalaha xukuumada iyo hogaanka kulmiye kaasi oo soo noqnoqda marwalba, dadka waxa indha indheeya ayaa waxay ku fasilaan in siilaanyo marwalba muuse biixi kula dagaalamo gacan sedexaad, eedana uu iskaga riixo cidkale oo wasiiradiisa kamida, waxaana mudo yar kadib lagaadhaa isfahan aan cimri lahaynDhinaca kale madaxwayne siilaanyo waxaa la odhan karaa waxaa hadheeyay xaalado caafimaad daro taasi oo sobobtay in koox madaxtooyada ku xeerani in awoodii siilaanyo u isticmaalan burburin xusbiga kulmiye silooga takhaluso hogaanka kulmiye oo ay u arkaan mid caqabad ku ah danahooda gaarka ah Gudoomiye muuse biixi cabdi ayaa isna dhinaciisa moranka xusbiga kulmiye iyo xukuumada u dhaxeeya ku eedeeya cid aan siilaanyo ahayn amaba wasiirada qaarkamida, waxa kale oo uu muuse markasta dusha ka dhayaa boog siyaasadeed oo aan laba cisho siiwaarayn ,bulshada ayaa waxay marwalba iswaydiisaa muuse masiyaasi buunoqday?udulqaata duufana kaga imanaya meelo kale si uu dantiisa ugaadho. moranka kulmiye ma mid dadka lagu mashquulinayaa? si aan loo arag galdaloolooyinka xukuumada siilaanyomise waa midlooga danleeyahay dadka xukuumada siilanyo dhaliilana in ay muuse biixi qabiil ahaan ku taagero amaba snm, lagana dhigo nin heshiis lagaga baxay oo koox wadaado ahi eryanayso siilaanyona yahay wacad qabe.aan oofin axdigii isaga iyo muuse Taasi waxa kuu cadaynaysa madasha wada tashiga iyo toosinta qaran oo xukuumada siilaanyo dhaliisha ayaa hadana muuse biixi u hadlaysay, muuse miyuuna ahayn nin ka siilaanyo kursigan saaray .goormay kala noqdeen laba qof dhibta uu dalkan siilaanyo ugaysto danbigeeda waxa qayb kule muuse biixi Iskusoo wada duuboo is,haysiga xukuumada iyo xusbigeedu waxa kamuuqata in aan cida ishaysaa sitoosa wali isku waajahin hadii ay sidaa kusii socotana waxaa lagayaabaa in ay sobobto kala fogaansho laba qabiil oo mudo dheer xulafo siyaasadeed soo ahaa .
WAJAALENEWS DESK HARGEISA OFFICE EMAIL.WAJALENEWS@GMAIL.COM Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|