Meesha Ay Maanta Somaliland Marayso Maaha Meel Odayaal Loo Soo Diro Somalilandna Way Ka Gudubtay Xiligii Qabaa’ilada Iyo Xiligii Odayaasha Wuxuu Noqday Qaran Madax-Bannaan” Axmed Muumin Seed | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Meesha Ay Maanta Somaliland Marayso Maaha Meel Odayaal Loo Soo Diro Somalilandna Way Ka Gudubtay Xiligii Qabaa’ilada Iyo Xiligii Odayaasha Wuxuu Noqday Qaran Madax-Bannaan” Axmed Muumin Seed
May 9, 2014 - Written by Editor:

Hargeysa:(Wajaalenews)-Gudoomiye ku-xigeenka 1aad ee xisbiga mucaaradka ah ee WADANI Axmed muumin Seed ayaa ka hadlay odayaasha reer muqdisho ee hargeysa yimid wuxuuna yidhi “Runtii laba maal-mood ka hor ayaanu waraaq qoraal ah ugudbinay madaxweynaha Somaliland JSL Oo aanu kaga codsanayno haddii aanu nahay asxaabtii qaranka Gaar ahaana xisbiga WADANI inuu arinkaa ay maal-mahanba saxaafada madaxabannaani Qoraysay macaluumaad naga siiyo.shalayna waftigii ayaa yimiday markaa runtii imaatinka odayaasha iyo cida casuuntay iyo wax ay u socodaan ilaa iminka xisbi ahaan nooma cadaanin”. Ayuu yidhi Seed

“Qodobka aan doonayo in aan is dultaago waxa weeye.runtiin wadanka Somaliland wuu ka gudbay xiligii qabaa’ilada waxa kale uu ka gubay xiligii odayaashaa wuxuu noqday qaran madax-bannaan 23 sanadood ayuu halgan ugu jiraa siddii uu aduunyada ictiraaf uga helilahaa”.Ayuu yidhi seed

“Markaa aniga oo ixtiraamaya odayaasha maadaama oo ay wadan jaarkeena ah ka yimaadeen .Oo ku ixtiraamayna salaadiinimada iyo odayaasha ay yihiin.waxa aanu u sheegi lahayn in meesha ay maanta Somaliland marayso aanay ahayn meel odayaal loo soo diro Xukuumaduna ilaa iminka runtii namay siin mawqaf cad haddii laga tegiwaayo wasiirka madaxtooyada Somaliland Mudane Xirsi Cali X. Xasan ayaa xalay khadka telefoonka igula soo xidhii waxaana uu ii sheegay in ay waraaqdii gaadhay”. Ayuu yidhi Seed

“Waxa aan u sheegay Wasiir Xirsi in aanu waraaq qoraal ah ka doonayno oo ka hadlaysa macluumaadka ay odayaashu u socdaan . runtii wuu ka gaabsaday wasiirku arinkaas aad ayuu uga gaabsaday.lakiin waxa aanu ka sugay naa jawaabtii waraaqdii aanu u qornay”.

Gudoomiye ku xigeenka xisbiga waddani isagoo ka hadlaya khudbadii madaxweyne siilaanyo shalay u jeediyey labada gole qaran wuxuu yidhi “Khudbadii hore ee 2013 iyo tan 2014 ee uu madaxweynu shalay jeediyey wax-badan ayaa u dhexeeya.Gudi ayaanu saarnay macluumaad ka soo samaysa saxafada ayaanu u soo bandhigi doonaa wiika soo socda haddii alle yidhaahdo” ayuu hadalkiisa kusoo gabogabeeyey gudoomiyuhu

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS