Maxkamadda ICC oo Xabsi dheer ku ridday Hoggaamiye Kooxeed Afrikaan ah | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxkamadda ICC oo Xabsi dheer ku ridday Hoggaamiye Kooxeed Afrikaan ah
May 23, 2014 - Written by Editor:

WAJAALENEWS;Maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC ayaa xabsi gaaraya 12-sano ku xukuntay, Germain Katanga oo ahaa hoggaamiye kooxeed waddanka Congo u dhashay ka soo dagaallamay wadanka Congo ,waxaana lagu helay in uu ku lug lahaa xasuuq wadankaas ka dhacay sanadkii 2003-dii.

Waxaa qareenada maxkamaddu  ay cadeeyeen in Katango lagu waayay qaar kamid ah danbiyada lagu soo oogay oo ay ku jiraan kufsi iyo askaraynta carruurta, iyadoo xukunkan uu dhacay maanta oo jimco ah.

Nadim Baba oo kamid ah wariyayasha Al-jazeera ayaa sheegay in xukunkan uu yahay fariin ku socota dhamaan hogaamimyaasha afrikaanka ah, isla markaana danbiyada noocaan oo kale ah ay ka imaan karto ciqaab waqti dheer ah.

Dowladda Congo ayaa soo qabatay Katanga sanadkii 2007-dii, waxaana uu xabsi ku jiray muddo todobo sano ah ,iyadoo  dowladda uu ku soo jeedo ay arintan  ku tilmaamtay mid geesnimo ah.

Waxaa xukankan ka horeeyay mid lagu riday Thomas Lubanga oo isna  lagu helay in uu caruur badan askareeyay ,isaga oo u adeegsaday colaado ka dhacay isla Congo sanadihii 2002-da ilaa iyo 2003-di.

Ugu danbayntii maxkamadda ICC ayaa wali dacwooyin u haysata madax Afrikaan ah oo u dhashay Kenya ,isla markaana ay  kamid yihiin Uhuru Kenyatta iyo waliba William Ruto ,kuwasi oo lagu eedeeyay in ay qayb ka ahaayeen xiisadihii Kenya ka dhacay 2007dii

COMMENTS
LINKS