Maxkamada Gobolka Oo Xukun Dil Iyo Xadhig Ku Xukuntay Dadkii Ku Eedaysnaa Dilkii Marxuumad Ruqiya Siciid Ayaanle | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxkamada Gobolka Oo Xukun Dil Iyo Xadhig Ku Xukuntay Dadkii Ku Eedaysnaa Dilkii Marxuumad Ruqiya Siciid Ayaanle
May 3, 2014 - Written by Editor:

hargeisa(Wajaalenews)Maxkamada Gobolka Maroodi jeex ayaa Xukun Kama Dambays ah ka soo saartay Kiiskii Dilka ahaa ee Ruqiya Siciid ayaanle oo Muddo laba bilood ka hor ah lagu Dilay Guri ku yaala Hargeysa oo God lagu aasay, waxay Maxakmadu Dil toogasho ay ku xukuntay 4 ka mid ah Qoyskii Gabadha dilay oo kala ah hooyadii Qoyska Muuna Maxamed Cabdilaahi, ina Faadumo Cali 37Jir ah, waxa Maxkamadu waxay ku xukuntay Qisaas Dil ah, Maxamed Axmed Cabdi, ina Muuna Maxamed Waxay Maxkamadu ku xukuntay Qisaas Dil ah, Sakariye Axmed Cabdi ina Muuna Maxamed oo 19Sanno jir ah, Waxay Maxkamadu ku xukuntay Qisaas Dil ah, Farax Axmed Cabdi Ina Muuna Maxamed 19Jir ah, waxay Maxkamadu ku xukuntay dil, Afartaasi waxay maxkamadu ku xukuntay Dil, waxa kale oo ay Maxkamadu ku xukuntay Hana cabdi salaam Ismaciil, ina Muna Maxamed 17 Todoban jir ah, waxay maxkamadu ku xukuntay 10Sanno Xadhig ah, waxaanu sahrcigu dhigayaa in qofkii 18 Jir ka yar aan lagu xukumin Dil, Kalsoon Xaaji Baxnaan Xirsi, waxanu u celinay Xoriyadeedii, Cabdi Salaan Ismaciil Maxamed oo ah ninkii qabay Muna waxa uu joogay maalintii falku dhaceyey Berbera, sidaasi daradeed xoriyadiisi waanu u soo celinay, Maxmaed Xassan Cabdi oo lagu eedeynayey in uu booliska Majaro habaabiyey oo uu yidhi marxuumadu waxay joogta oo aan ku arkay Magaalada Kalabadh ee gabiley sidaasi daradeed waxaanu ku xukunay Hal Sanno oo xadhig ah.

Xukunkan ayaa saaka wuu ku dhawaqay Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Hargeysa Faysal Maxamed Cabdilaahi (Faysal dhaga dhago

wajaalenews.net

hargeisa/office

COMMENTS
LINKS