Maxaynu Ku erinay General Maxamed Siyaad Barre?. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxaynu Ku erinay General Maxamed Siyaad Barre?.
May 30, 2014 - Written by Wariye:

Iskusoo wada duubo, haddii uu Madaxweyne Siilaanyo doonayo inuu Xisbiga Kulmiye noqdo Golihii Xisbiga Hantiwadaaga kacaanka Soomaaliyeed

Dimoqoraadiyada Somaliland lagaga dhaqmaa waa mid u muuqata inaanay dhaafsiisnayn dibnaha kuwo ku dhexjira xaydaanka siyaasada aan hal-abuurka ku qotomin, balse maslaxdda kooxeed, amaba shakhsiyadeed ku slaysan, labo fashilaadood oo waaweyn ayaa ku habsaday  dimoqraadiyadda fool-eriga ah ee ka jirtay Somaliland dhowr iyo tobonkii sanadood ee ina soo dhaafay, kuwaasoo kala ah:-

1.       Shirweynihii xisbiga Kulmiye ee dhmaadkii Bishii April 2014 la qabtay yaa waxaa uu shaadhka ka saaray qabyaaladii, kadib markii uu ergooyinkii shirweynaha ku soo xushay hanaan ku qotomo qabiilaysi, iyo jilabaysi, taasina waxay  beenisay sheegashadii ahayd , haddii aynu Somaaliland nahay waxaynu ka guuray hanaankii qabiilka wax lagu soo xulan jiray oo waxaynu u guuray hanaanka dimoqraadiga ah ee xisbiyada badan, waxaanay tani keentay in reer

kasta iyo jilib kastaaba warbaahinta istaago isagoo leh reerkaygii waa la dulmiyay iyo wax la mid ah, dad badanina waxaa ay isweydiinayaan mar haddii aynu weli qabiil wax kusoo xulanayno, oo ay madaxdii dalka iyo kuwii xisbiyaduba sidaas raali ka yihiin, maxay dawladda iyo xukuumadda Siilaanyo uga cadhootaa marka la yidhaahdo ha laqabto Shirweyne qaran oo ay beelaha Soomaaliland isugu yimaadaan? Waa maxayse farqiga u dhaxeeya sidan ay maanta wax ku xulayaan ee reeraysiga iyo jilibaysiga ah iyo shirweynaha beelaha sida wax loogu soo xulo? Arintuse miyaanay ahayn ADIGAA HAA IYO MAYA MAR WADA LEH OO AFKAAGA LAGA HAYAA?

2.       Fashilaada kale waxay tahay tan manta xisbiga Kulmiye dhexdiisa ka taagan, oo ay keentay ka dib markii Musse Biix oo Gudoomiyaha xisbiga ahi uu shaaciyay inuu Jagada madaxweynaha u sharaxan yahay, taasoo u  muuqata in xisbiga uu laba garab ugu kala jabay, iyadoo xukuumadu   xidhxidhay qaar ka tirsan madaxdii Xisbiga ee   joogta Gobolka Saaxil ee ahayd garabjka Raacsan Guddoomiye Muuse Biixi, hadaba waxaa isweydiin leh, Maxaa ku jaban haddii Muuse Biixi iyo Madaxweyne Siilaanyo xisbiga dhexdiisa ugu tartamaan si caafimaad qabta oo saaxiibtinimo leh, oo kan guulaystayna  u hambalyeeyo kan kale?  Maxaase madaxweyne Siilaanyo uga cabsi qabaa inuu Muuse Biixi kula tartamo xisbiga dhexdiisa waa marka laga hadlayo cidda uu xisbigu u xulanayo jagada Murashaxa Madaxweyne?  Ma muuse Biixi ayaa madaxweyne Siilaanyo kaga taageero badan Golaha dhexe ee xisbiga dhexdiisa oo waa sababtaas tan uu Mdaxweyne Siilaanyo  uu u door biday inuu maro wadiiqooyin kale oo aan dimoqoraadiyada la sheegto iyo  sumcadda xisbiga midna u danaynayn.

Iskusoo wada duubo, haddii uu Madaxweyne Siilaanyo doonayo inuu Xisbiga Kulmiye noqdo Golihii Xisbiga Hantiwadaaga kacaanka Soomaaliyeed ee uu ninka( Siyaad Barre) kelida ahi  iska lahaa, amaba uu noqdo Golihii la odhan jiray Golaha Sacabka, waxay lidi ku tahay midhihii ka dhashay kifaaxii iyo halgankii lagu waayay kumanaanka kun ee nafood iyo wixii mood iyo maalba lumay, dadkuna umay halgamayn in Siyaad barre la eryo oo Siilaanyo la saaro (in qof lagu bedelo qof) ee waxa loo soo dagaalamay ee loo soo dhintay waa in nidaam xumaa lagu bedelo nidaam wanaagsan.

Guinaanadkiina, waxaa  kula talinayaa Madaxweyne Siilaanyo inuu ogaado in sida uu siaguba han u leeyahay uu qofkastaa oo kalena uu han u leeyahay, gartaana inuu Muuse Biixi xaq u leeyahay inuu u tartamo Jagada Madaxweynaha, isla markaana uu aqbalaa in lagula tartamo xisbiga dhexdiisa, kana baaqdaa inuu siticmaalo xadhig, cabudhin iyo hanjabaad isagoo isticmaalaya awooda kurisga ee ay  umaddu ugu dhiibatay inuu ugu adeego, haddii kale, waxaa uu horsed ka noqon doonaa inuu dalku ku burburo gacantiisa ilaahay inaguma keeno’e.

 

Wa Bilaahi Towfiiq,

Mr. Hussein-lucky Mohamed Mohamoud ,

Burco, Somaliland,

husseinlucky@hotmail.com

COMMENTS
LINKS